MUQDISHO:Daawo Madaxweynaha Soomaliya oo Shacabkiisa la Tukaday iyo Nuxurka Labada Qodob oo u ka hadlay

0
Friday June 15, 2018 - 13:50:15 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUQDISHO:Daawo Madaxweynaha Soomaliya oo Shacabkiisa la Tukaday iyo Nuxurka Labada Qodob oo u ka hadlay

    MUQDISHO:Madaxweynaha Soomaliya oo Shacabkiisa la Tukaday iyo Nuxurka Labada Qodob oo u ka hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUQDISHO:Madaxweynaha Soomaliya oo Shacabkiisa la Tukaday iyo Nuxurka Labada Qodob oo u ka hadlay

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la tukaday shacabka magaalada Muqdisho salaadii Ciidal Fidriga.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey shacabka magaalada Muqdisho salaadii Ciida ka dib ayaa ka waramay hawlaha ay ciidamada amaanku u hayaan shacabka Muqdisho waxaanu yidhi "Waxaan U Mahad celinayaa oo aan hambalyeynayaa ciidamada "Waxaan u mahad-celinayaa ciidamada qalabka sida oo ah ciidamada xasilinta, oo habeen iyo maalin u taagnaa sidii shacabka ay uga difaaci lahaayeen qolooyinkan hororka ah oo caadeystay in ay qaraxyo ka geystaan magaalada Muqdisho oo ay ku laayaan shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumarba.”

Madaxweynaha soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dawladiisu ka shaqaynayso sidii ay wadanka gaar ahaana magaalada Muqdisho a ugu bixin lahayd amaan xumida haysata isla markaana shacabku ugu noolaan lahaayeen nabad galyo taam ah.

Sidoo kale madaxweynaha soomaaliya ayaa ka hadlay kooxaha nabad galyo darada ka wada wadanka soomaaliya, kuwaas oo uu digniino u diray waxaanu yidhi "Waxaan uga digayaa kooxaha argagixisada ah in ay ka waantoobaan oo ay joojiyaan dhibka ay shacabka ku hayaan, waxay dawladda ka shaqeyneysaa sidii ay uga hortagi laheyd falalkaasi argagixisada ah,”ayuu mar kale yidhi madaxweyne Farmaajo.