Addis Ababa:- Boqorka Wadanka Imaraadka Oo Addis Ababa Si Wayn Loouso Dhaweeyay
Boqorka Imaaraadka carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar ku tagay Magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia.
Ra’isal Wasaaraha Wadanka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa waftiga Boqorka Imaaraadka Carabta kaga hor tagay garoonka diyaaradaha ee Bole, waxaana loo soo galbiyay dhinaca qasriga madaxtooyadda.
Warkan oo lagu baahiyay wakaalada wararka u faafisa wadanka ethiopia ee ENA ayaa intaas ku daraya in labada dhinac ee ethiopia iyo Imaraadka carabta uu ka dhaxeeyo xidhiidh soo jireen ahi.
Labada hogaamiye ayaa goob joog u ahaa ilaa todoba heshiis oo ay kala saxeexdeen labada dawladdood, kuwaas oo kala ahaa dhaqaalaha, dhaqanka, dalxiiska iyo sidii Diplomaasiyiinta labada wadan loogu fududayn lahaa isu socodka.
Boqorka wadanka sacuudiga waxa ku wehelinayay safarkiisan ra’isal wasaare ku xigeenka wadanka Sheikh Hamed Bin Zayed Al Nahyan, guddoomiyaha maxakamada Sheikh Abdullah Bin Zayed Al Nahyan, wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Sheikh Deyb Bin Mohammed Bin Zayed Al Nahyan iyo wasiirka gaadiidka.
Addis Ababa:- Boqorka Wadanka Imaraadka Oo Addis Ababa Si Wayn Loouso Dhaweeyay
Addis Ababa:- Boqorka Wadanka Imaraadka Oo Addis Ababa Si Wayn Loouso Dhaweeyay