Labo kun oo caruur ah ayaa waalidkood laga qaaday toddobaadyo gudahood

0
Saturday June 16, 2018 - 10:04:43 in by salman abdi
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo kun oo caruur ah ayaa waalidkood laga qaaday toddobaadyo gudahood

    Labo kun oo caruur ah ayaa waalidkood laga qaaday toddobaadyo gudahood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo kun oo caruur ah ayaa waalidkood laga qaaday toddobaadyo gudahood

Caruurta laga fogeeyay waalidkoodaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionCaruurta laga fogeeyay waalidkooda

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in illaa iyo 2 kun oo caruur ah waalidiintooda looga qaaday iyaga oo si sharci daro ah kusoo talaabayay xadka u dhaxeeya Maraykanka iyo Mexico intii u dhaxaysay bishii April iyo May kadib markii ay dhaqangaleen shuruucda adag ee xagga socdaalka ee madaxweyne Trump.

Waalidiinta ayaa lagu soo oogay fal dacwad dambiyeed ah, halka carruurta la geynayo goobo lagu xanaaneeyo inta arrintooda la xalinayo.

Arrintan oo buuq weyn ka dhalisay Maraykanka ayaa waxaa ka hadashay Qaramada Midoobay oo dowladda dalkaas ugu baaqday in aysan kala soocin waalidka iyo caruurta wada socda.

Siyaasadan ayaa si weyn loo dhaliilay, iyada oo dimoqaraadiyiinta ay ku tilmaameen hirgalinteeda waxashnimo , waxaana qaar ka mid ah xisbiga republicanka ay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo afjaro hirgalinta siyaasadan.

Inta bada caruurta ayaa hoy laga siiyay gobolka Texas, si dhaqsa ah ayuuna u buux samay hoygaasi.

Magaalo cusub oo loogu magacdaray hoygooda ayaa laga dhisayaa xadka Texas uu la leeyhaya Mexico taasi oo u dhaw magaalada Elpaso.

Ugu yaraan 300 oo caruuur ah ayaa la filayaa in la dejiyo guryahaasi maalmaha soo socda.

Madaxweyne Trump oo kula hadlayay aqalka cad weriyayaasha ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo siyaasda kala fogeynta caruurta iyo waalidkooda, waxa uuna ku eedeeyay dadka kasoo horjeeda inay diidan yihiin isbadelka lagu sameyanyo sharciga socdaalka.