Somalia:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukeraq+Arimaha Uu Kaga Hadlay.

0
Saturday June 16, 2018 - 14:08:13 in by salman abdi
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukeraq+Arimaha Uu Kaga Hadlay.

    Somalia:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukeraq+Arimaha Uu Kaga Hadlay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:-Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalka Tukeraq+Arimaha Uu Kaga Hadlay. Madaxweynaha Maamul Goboleedka

Soomaaliya ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Dagaalka Tukeraq.



Waxa uu labada dhinac ee halkaasi isku haya ugu baaqay in ay ka shaqaysiiyaan caqliga isla markaana ay is xakameeyaan.


 

 

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu khudbad ujeedinayay shacabka Magaaladda Kismaayo oo isugu soo baxay tukashada salaada Ciidul Fitriga.


"Aad Baan uga xumahay in Dagaalo ay xilligan jiraan,iminka tusaale ahaan Tukeraq oo kale sabab loogu dagaalamo ama sabab meeshaas uu dagaalo uga jiro ma garan karo.


Cida wax sheeganaysa iyo cida wax haysaaba iyo ka siyaasiga ah ee Awrka ku kacsanayaaba dhamaantodba marka laga yimaado, berriba waxa la khiyaamaynayaa dadka dhintay, waxbaa loo sheegayaa waxaas oo dhana taariikhda ayaa saxaysa.


Dhulkuna meeshiisa kama tagayo, dadkuna meshaooda kama tagayaan, waxaas oo dhana xal baa laga gaadhi doonaa, laakiin caruurtii iyo dhalinyaradii lagu laayo oo wax loo sheego waa wax aad iyo aad looga xumaado.


Waxaanay u baahan tahay in arrintaas loo kaco oo xal degdeg ah laga gaadho, kuwa siyaasiyiinta ahina ilaahay ha uga cabsadeen dhiiga daadanaya, dadka kale ee cuqaasha ah ee soomaaliyeedna arrintaas xalkeeda degdeg ah ha loo raadiyo oo wajiga ay munaasib ku tahay" Ayuu Yidhi