13 Khalad Oo Dhinaca Hab Maamuuska Qaranka Oo Dhacay Mudadii Qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya

0
Sunday June 17, 2018 - 09:45:31 in by salman abdi
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    13 Khalad Oo Dhinaca Hab Maamuuska Qaranka Oo Dhacay Mudadii Qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya

    13 Khalad Oo Dhinaca Hab Maamuuska Qaranka Oo Dhacay Mudadii Qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

13 Khalad Oo Dhinaca Hab Maamuuska Qaranka Oo Dhacay Mudadii Qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya 13 Khalad Oo Dhinaca Hab Maamuuska Qaranka Oo Dhacay Mudadii Qaabilaada R/Wasaaraha Itoobiya

Khaladaad kala duwan ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo si la mid ah gudaha madaxtooyada "Villa Somalia” intii lagu guda jiray qaabilidda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho gaaban oo rasmi ah ku yimid dalka.

Haddaba waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa khaladaadkii hannaanka hab maamuuska ee la hareer maray:-

1- iyadoo la dhowrayo xilka, heybadda iyo hab maamuuska qaranka ee Madaxweynaha JFS waxaa haboon in laga soo kaxeeyo Madaxweynaha qolka nasiinada VIP-da garoonka kadib marka diyaaradda wafdiga ay istaagto barta loo asteeyay, hayeeshee Madaxweynaha ayaa maanta cadceedda la istaajiyay muddo shan daqiiqo kahor soo caga dhigashada diyaaradda.


 

 

2- Marka la fidinayo rooga cas ee loogu tala galay in ay madaxdu kudul socoto, lama wada fidiyo oo waxaa la reebaa qeybta loogu tala galay in lagu fidiyo ilaa jaranjarada diyaaradda iyadoo lala meel dhigayo saraakiisha qaabilsan hagida diyaaradda Iyo goobta ay istaageyso si looga hortago in madaxdu ku lugeeyaan meel aanan roogga ku fidsaneen, waxaana la arkayay maanta Madaxweynaha iyo martidiisa oo ku soconaya meel aan roog oolin, waxaase ka sii darnaa saraakiil iyo ilaalo ku dul soconayay roogga guduudan.


3- Xilliga madax shisheeye booqasho rasmi ah ay ku imaanayaan dalka, waxaa habka marti soorka ka mas’uul ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyada ayaa u sii xulata hey’adaha qaran ee kala shaqeynaya waa haddii ay u baahato maamul degmo ama gobol, iyada oo Agaasimaha hab maamuuska Madaxtooyada ku shaqaynayo xilka Agaasime kuxigeenka habmaamuuska qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, si la mid ah Safiirka Soomaaliya ee dalka wafdiga ka imaanaya waxa uu talooyinkiisa iyo xogtiisa la wadaagayaa Wasiirka, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka, Xoghayaha joogtada, Waaxda, talo gelin wuxuu siinayaa Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Khaladkii ugu weynaa ee maanta dhacay waxa uu ahaa in Wasiirada Arrimaha Dibadda, iyo Xoghayaha joogtada Wasaaraddaasi laga waayay garoonka diyaaradaha iyo kulankii Madaxtooyada ku qabsoomay, waxaana layaabku ahaa in Safiirka Itoobiya ee Muqdisho uu ka soo dejiyay Ra’iisul wasaarihiisa diyaaradda, halka howshaas uu lahaa Agaasimaha ama Agaasime kuxigeenka habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

4- Marka uu mas’uul ka soo dago diyaaradda waa in sarkaal sare oo hab-maamuus ah u diyaarsanaadaa galbinta baaqiga wafdiga jiraa oo ukaxeeya halka ay safka salaanta ka leeyihiin si mid mid loogu baro madaxweynaha martida loo yahay, hayeeshee taasi maanta ma dhicin.

5- Xilliga salaan qaadashada oo ay madaxdu masraxa saarantahay waa in aanan loo dhaxeynin madaxda Iyo ciidamada salaanta bixinaaya taa oo aanan dhicin lana arkayay Sawir qaadayaal iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada oo buux dhaafiyay inta u dhexeysa ciidamada Iyo madaxda salaanta qaadanayay.

6- Waa in calamada salaanta lagu bixinayo oo ay kor u sidaan ciidamada uusan farqi dheeri ah u dhexeynin ama midkood sharaxaad dheeri ah wadanin, waxaana la arkayay in calanka Soomaaliya lahaa taraash ama farqa farqo dheeri ku ah calanka.

7- Marka ay dhammaato garaacista astaanta labada dal, wuxuu sarkaalka salaan bixiyaha ku casuumaa madaxda in uu mariyo horaanta ciidanka u heeganta ah salaantooda, isagoo soo horkaca madaxda, waxaana qaab socodka iska leh sarkaalka salaanta bixiyay oo ay tahay in la daba kaco talaabadiisa ay la jaanqaadeyso muusikada ciidanka garaacayaan, balse waxaa dhacday in isagiiba laga tallaabo dheereeyay, lagana hormaro oo ay ilaaladi madaxda sii jiiraan.

8- Gaariga lagu galbinaayo mas’uulka martida waxaa dhanka midig looga xiraa calanka dowladiisa, wuxuuna gaariga ka fariistaa dhanka midig, maadaama uu isaga martida qaran yahay waxaase dhacday in gaariga la saaray calanka looga xiray dhanka bidix taa oo ka sii turjumeysa in gaarigana dhanka bidix laga fariisiyay masuulki martida ahaa.

9- Waxaa caado hab maamuus iyo qaddarin ah in Marka mas’uulka martida uu wax u baahdo u sheegto ama ka fasax qaato marti galiyaha oo ah Madaxweynaha taasoo dhacday xilligi uu socday shirka jaraa’id ee labada masuul in Raisul-wasaaraha Ethiopia u baahday in uu xirto ookiyaalihiisa madow ee qoraxda, wuxuuna fasax weydiistay sida caadada ah madaxweynaha isagoo ku yiri (May I use my sun glasses is that ok?) madaxweynuhuna wuxuu ku jawaabay (sure sure) oo micnaheedu yahay ogolaansho balse ilbiriqsi gudihiis ayuu Madaxweynaha isku badalay kuna yiri (Oh no no) Alla maya maya taa oo yaxyax iyo amakaag ku reebtay mas’uulkii martida ahaa.

10- Waxaa kaloo saraakiisha hab maamuuska ahayd inay Madaxweynaha xusuusiyaan halka uu istaaga ka leeyahay goobta shirka jaraa’id isagoo qaatay booska midig ee uu lahaa mas’uulka martida ah, ayna calamadii u kala badalmeen, iyadoo marki dambe saraakiisha hab maamuuska Ethiopia saxeen calamada intii uu socday shirka jaraa’id.

11- Xilligi uu dhammaaday shirka jaraaid oo ay madaxduna sii xarooneysay waxaa muuqanayay Ra’iisul wasaaraha iyo xubno golaha wasiirada oo kasoo baxay dhanka saxaafadda taagneed una sii gudbaya Aqalka Madaxweynaha taasoo aanan ku habooneyn hab maamuuska hadeysan meeshu ahayn xaflad howl la fadhiyo sida in meesha lagu wada cunteeyay.

12- Sida caadada ah marka ay madaxdu shir jaraa’id qabtaan qudhooda ma aha ama kuma jirto xeer ka hab maamuuska in isla goobti afhayeen, Agaasime ama cidkale shir jaraa’id kale ka daba qabato, waayo waxaa macna beelaya hadalki madaxda oo u ekaanayo in wixi ay afkooda ka sheegeen uusan rasmi ahayn ee laqaato midka Afhayeenka ee warqada ku qoran, hadiise laga maarmi waayo war saxaafadeedka "Communique” waxaa haboon in qoraal ahaan saxaafadda loogu gudbiyo oo aanan meesha laga akhrin.

13- Haddii Mas’uulka martida ay tahay booqashadiisa rasmiga tii ugu horreysay ee uu dalka ku yimaado kaddib doorashadiisa waxaa haboon in isla Madaxweynaha ku sii sogootiyo garoonka, wuxuuse u xilsaaran karaa Ra’iisul wasaaraha waa haddii soo dhoweyntii hore uusan Madaxweynaha tagin garoonka, xaflada rasmigana ama salaan qaadashada ay ka dhacday gudaha Madaxtooyada, sidoo kale Madaxweynaha wuxuu wakiilan karaa Ra’iisul wasaaraha waa haddii loo baahdo.