Adis ababa: "Askarta Itoobiya Falal Argagixiso Ayay Gaystaan" Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

0
Tuesday June 19, 2018 - 17:36:19 in by salman abdi
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adis ababa: "Askarta Itoobiya Falal Argagixiso Ayay Gaystaan" Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

    "Askarta Itoobiya Falal Argagixiso Ayay Gaystaan" Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Askarta Itoobiya Falal Argagixiso Ayay Gaystaan" Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka ee dalkiisa ku eedeeyay in ay gaystaan falal argagixiso iyaga oo si sharci darro ah dadka u xidha una jidh-dila. 

Abiy ayaa xilka loo dhaariyay labo toddobaad ka hor isaga oo ballan qaaday in uu isbadallo waawayn samayn doono. Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka. 

Billo ka hor wax aan la filan karin ayay ahayd in qof masuul ah uu dawladda Itoobiya ku eedeeyo falal argagixiso. 

Balse arrintaas ayuu hadda ku dhaqaaqay ra’iisulwasaaraha. Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan. 

Wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Itoobiya ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo maxaabiis ah. 

Sannadihii u dambeeyay hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dawladda Itoobiya ku eedaynayay in ay gacan bir ah ku hayso mucaaradka saxaafadda xorta ahna caburinayso.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayayna ka go’antahay in uu isbdal ku sameeyo arrintaas.