Yaman:-Xuutiyiinta oo laga qabsaday qaybo kamida madaarka, iyo dekadda Xudayda

0
Wednesday June 20, 2018 - 10:11:40 in by salman abdi
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaman:-Xuutiyiinta oo laga qabsaday qaybo kamida madaarka, iyo dekadda Xudayda

    Yaman:-Xuutiyiinta oo laga qabsaday qaybo kamida madaarka, iyo dekadda Xudayda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Yaman:-Xuutiyiinta oo laga qabsaday qaybo kamida madaarka, iyo dekadda Xudayda
.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption.

Xoogagga u dagaalamaya xukuumadda dunidu aqoonsantahay ee Yemen ayaa qabsaday madaarka iyo dekadda Xudayda intooda badan.

Waxa halkaa maalinnimadii oo dhan ka socday dagaal culus oo dhex marayey xoogaggaas oo ay taageerayaan huwanta Sucuudigu hogaaminayo iyo fallaagada Xuutiyiinta.

Muuqaalo Telefishanadu baahiyeen ayaa muujinayey in dagaalyahanno ka tirsan isbahaysiga ka soo horjeeda Xuutiyiinta oo ku dhex jira madaarka.

Hadii si buuxda loogala wareego madaarka waxay arrintaasi wiiqi doontaa dagaalka ay doonayaan in ay ku haystaan magaalada Xudayda oo gacanta ugu jirtay dhawr sannadood.

Dekadda Xudayda waxa ay marin muhiim ah u tahay gargaarka loo wado malaayiinta qof ee Yemeniyiinta ah ee qarka u saaran macaluusha.

Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee la dagaalamaya Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay in ay ku dhawyihiin in ay qabsadaan magaalada Xudayda .

Af-hayeenka u hadlay xulafadaas Kornayl Turki Al-Maliki, muu cadaynin in in qorshahani yahay in ay xulufadu ku doonayso in ay magaalaada ku qabsanayo iyo in kale tan iyo markii ay bilaabmeen hawlgallada milatari ee dalkaas ka socdaa.

Waxaa uu Turki shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Riyaad ku sheegay in "Xudayda ay haatan ciidamada xulufada ee halkaa hawlgalka ka wadaa ay u jiraan labaatan Kiiloo mitir"

Masuuliyiin Yemeniyiin ah ayaa mar hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in in ciidamadaas ku si siqayaan Xudayda laakiin aanay weli go'aansanin in ay galaan goobaha rayidku deganyihiin.

Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo oo sheegay in ay qabsanayaan Xudayda

Qaramada Midoobay oo sheegtay in aan gargaar Yemen weli gaadhin

Xulufada Sucuudiga oo duqeeyay xabsi ku yaal Yemen

Dowladda Sacuudiga ayaa hore u sheegtay in Xuutiyiintu Badda Cas ku weerareen markab nooca shidaalka qaada ah oo halkaa marayay.

Afhayeen u hadlay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudigu oo in muddo ah dagaal kula jiray Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in waxyeelo ay gaadhay markabka, balse uu halkaa ka sii shiraacday.

Xuutiyiinya Yemen ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen maraakiib dagaal oo ay leeyihiin isbaheysiga Sacuudigu.

Falkan ayaa dhacay iyadoo hay'adda Qaramada Midoobay ay ku howlantahay shir dhaqaale loogu uruurinayo duruufaha aademenimo ee dalkaasi.

Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahaadalada nabadadda ee Yemen