Madaxwaynaha Senegal Oo U Daawashado Tagay Ciyaartii Xuklkiisu Uu Ku Garaacaya Poland

0
Wednesday June 20, 2018 - 10:21:27 in by salman abdi
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Senegal Oo U Daawashado Tagay Ciyaartii Xuklkiisu Uu Ku Garaacaya Poland

    Madaxwaynaha Senegal Oo U Daawashado Tagay Ciyaartii Xuklkiisu Uu Ku Garaacaya Poland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Senegal Oo U Daawashado Tagay Ciyaartii Xuklkiisu Uu Ku Garaacaya Poland

Madaxweynaha Waddanka  Senegal  Macky Sall ayaa shalay u duulay dalka Ruushka si uu uga qayb galo kulankii uu xulka dalkiisu uu kula ciyaarayay Poland.

Madaxweyneha oo ay safarkiisa ku wehelinaysay afadiisu ayaa ka qayb galay daawashada kulankaasi oo ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana xulka Senegal ay noqdeen xulka keli ah ee afrika ka socday ee iyagu guul la yimid.

Waxa ay Poland ku caraabiyeen 2-1, taas oo uga dhigan in ay soo celiyeen sumcadii qaarada afrika.

Macky Sall,  oo ku guddo jira fasaxiisii sanadleha ahaa ayaa marti qaad uu kaga qayb galo ciyaaraha koobka aduunka ka helay  xoghayaha xidhiidhka kubada

cagta Aduunka Fatma Samoura oo iyada lafteeduna ka soo jeeda Wadanka Senegal.

 

In kasta oo marka hore warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyadda Senegal lagu sheegay in uu dalka Ruushka ku joogo doono Madaxweynuhu safar 12 cisho ah, hadana waxa lagu soo koobay saddex cisho oo keli ah.