Ceerigaabo:-Mid Kamida Hor Joogayaashii Nabad Gelyo Darada Ka Wadey Gobolka Sanaag Oo Xabsiga La Dhigay,+Goobta Uu Hada Ku Xidhan Yahay
Axmed Cadib Oo Kamida Dadka Gobalka Sanaag Aad Looga Yaqaano Isla Markaasina Ku Suntan Inuu Hubka Iyo Saanadaha Si Qarsoon Uga Soo Dejiyo Xeebaha Yar Yar Ee Qaybo Kamida Gobalka Sanaag Ayaa Isaga Oo Kasoo Noqday Isla Markaasna Rasaas Iyo Hub Geeyay Degaanada Badhi Galis Iyo Kulaal Dusheeda Oo Ciidamo Beeledyo Dagaalada Ceelafweyn U Gaardiyaya Ku Sugan Yihiin Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Ceelafweyn Waxaana La Dhigay Saldhiga Ceelafweyn Oo Intii Uu Ku Xidhnaa Amaankiisa Aad Loo Adkeeyay
Ninkan La Qabtay ayaa Bilawgii Sanadkii 2016 Khal Khal Galiyay Amniga Magaalada Ceerigaabo Oo Khasaare Ka Dhashay Kadib Markii Ciidamada Dawlada Iyo Dabalay Maleeshiyo Uu Watay Ay Isku Dhaceen
Axmed Cadib Ayaa Isla Xalay Waxaa Loo Gudbiyay Xabsiga Weyn Ee Mandheera Isaga Oo Gaadiidka Gaashaman Iyo Saraakiil Ciidamada Sida Gaarka Ah U Taba Baran Hor Kacaan (RRU)
Gobalka Sanaag Oo Colaado Sokeeye Ka Dhaceen Waxaa Badatay Oo Wax Iska Caadiya Iska Noqotay In Jabhado Maleeshiyooyin Ka Samaysmaan Iyo Hogaamiyayaal Ciidamada Beeledyada Hogaaminaya Oo Gaadhay Xataa Inay Ka Goostaan Ciidamada Qaranka Soomaliland.
Talaabadan Qabashada Axmed Cadib Oo Nabad Gelyo Darro Ka Shaqaynta Ku Calaamdsan Ayaa Iba Fur U Noqon Karta In Dawladu Qabqabto Dad Badan Oo Fidma Walayaal Aan La Gaban Hawlgala Ladooda Ah