Xukumada Somaliland Ayaa Jawaab U Wayday Sababta Maaamulka Hawada Logu Wareejiyay Muqdisho

0
Wednesday June 20, 2018 - 14:02:27 in by salman abdi
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Somaliland Ayaa Jawaab U Wayday Sababta Maaamulka Hawada Logu Wareejiyay Muqdisho

    Xukumada Somaliland Ayaa Jawaab U Wayday Sababta Maaamulka Hawada Logu Wareejiyay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumada Somaliland Ayaa Jawaab U Wayday Sababta Maaamulka Hawada Logu Wareejiyay Muqdisho

Labadii Maalmood ee ugu danbeeyay warbaahinta Maxalliga ah iyo ta caalamiga ah ayaa si weyn uga hadlayay Maamulka Hawada Dhulka Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, taas oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u shaacisay in ay la wareegtay.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Sallaad ayaa sheegay in maamulka Hawada Soomaaliya oo muddo ku dhaw 28 sanadood laga maamulayay Magaaladda Nairobi loo soo raray Dhinaca Muqdisho, xukuumadda Federaalka Soomaaliyana ay gacanta ku hayn doono wixii iminka ka danbeeya.

"Xafiiska Hawada Ee Magaaladda Nairobi oo la shaqayn Jiray Xafiiska Muqdisho, waa la soo afjaray, waana la xidhay xafiiskaasi Nairobi, wax shaqo ah oo ka socota xafiiskaasina ma jirto, Laakiin Hawada Soomaaliya waxa laga maamuli doonaa Xafiiska Magaaladda Muqdisho” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya.

 

Sidoo Kale Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbigaasi Nuuradiin Diini oo warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargeysa waxa uu xusay in xukuumadda Kulmiye ay ku fashilantay in ay bulshada ka jaahil saarto Maamulka Hawada oo ay iminka Xukuumadda Federaalku si rasmi ah ula wareegtay.

Geesta kale Xisbiga UCID Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Axmed Xirsi Ducaale oo isna u waramay warbaahinta ayaa beeniyay in uu jiro warka hawada ay la wareegtay Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaanu xusay in tahay warar been abuur ah.

Gelinkii hore ee maanta ayaa isku dayo aanu samaynay in aanu wax kaga ogaano Bal mawqifka xukuumada Somaliland ay ka qaadan doonto maamulka hawada ee ay soomaaliya la wada wareegtay ayaanay noo suurto gelin in aanu wax xog ah ka helno, maadaama ay ka gaabsadeen masuuliyiinta duulimaadyadda Somaliland.

Si kastaba ahaatee waxa aad loogu dheg taagayaa dhawaaqa ka soo yeedhi doono xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dhawr jeer oo hore ku celisay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in ay soomaaliya la wareegi doonto maamulka hawada.