Roobab Lixaadle Oo Dabaylo iyo Duufana Wata Oo Khasaare U Gaystay Deeganka Dacarta
Guddoomiyaha degmada Dacarta ee gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed (Bingo), ayaa ka hadlay baaxadda qasaaraha uu geystay roob dabaylo iyo duufaan watay oo dhawaan ka da’ay degmada Dacarta oo sababay qasaare hantiyeed oo isugu jira beero uu dalagyadii baabiiyay iyo guryo uu dumiyay.
Guddoomiyaha oo xalay soo booqday xarunta wargayska Dawan, isla markaana waraysi kooban siiyay ayaa sheegay in bishan 12-keedii. Roob dabaylo iyo duufaan watay oo ka da’ay degmada Dacarta in uu geystay qasaare hantiyeed oo baaxad leh isla markaana isugu jira guryo dumay iyo beero uu dalagyadii baabiiyay’waxaanu intaa raaciyay in ay Xukuumadda dhexe u gudbiyeen qasaaraha roobkaasi uu geystay.
Mudane Cabdiraxmaan
Guddoomiyaha oo la waydiiyay in ay jiraan qasaare nafeed mid dad iyo mid xoolaad oo duufaantaasi ay geysatay, ayaa ku jawaabay "qasaare nafeed, midxoolaad iyo mid dad toona muu sababin, laakiin hoygii ay dadku ku noolaayeen iyo beerihii ay tabcadeen ayaa ku baa’ba’ay oo waxaa maanta aan hoy haysan qoysas badan oo markii hore haystay oo lahaa guryo ay deggan yihiin, isla markaana lahaa beero u soo go’aya oo naaslay noqday oo ay ku tabceen oo noqday meel bannaan ah.”
Guddoomiyaha oo la waydiiyay in ay jiraan gurmad ay xukuumaddu gaadhsiisay dadkaas, ayaa yidhi ”Xukuumadda waanu gaadhsiinay waanay u maqan tahay dadka, waanan ka war sugaynaa, dadkiina guryo la’aan iyo tacab la’aan ayay ku sugan yihiin, in deg deg loogu gurmadana way u baahan yihiin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha degmada Dacarta ee gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed Bingo.
Roobab Lixaadle Oo Dabaylo iyo Duufana Wata Oo Khasaare U Gaystay Deeganka Dacarta
Roobab Lixaadle Oo Dabaylo iyo Duufana Wata Oo Khasaare U Gaystay Deeganka Dacarta