Hargaisa:-Wasiir Ka Tirsan Xukumada Oo Ku Eedeeyaya Dawlada Hoose Boobkulka Danta Guuda

0
Wednesday June 20, 2018 - 16:21:26 in by
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaisa:-Wasiir Ka Tirsan Xukumada Oo Ku Eedeeyaya Dawlada Hoose Boobkulka Danta Guuda

    Hargaisa:-Wasiir Ka Tirsan Xukumada Oo Ku Eedeeyaya Dawlada Hoose Boobkulka Danta Guuda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaisa:-Wasiir Ka Tirsan Xukumada Oo Ku Eedeeyaya Dawlada Hoose Boobkulka Danta Guuda

Hargeysa (HWN) – Wasiirka Hawlaha Guud iyo maamulka Dhulka ee Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeeyay dawladdaha hoose in ay ku dhulkii danta guud ku hayaan boob baahsan.

Waxa uu digniin adag u diray dawladdaha hoose ee dalka oo uu sheegay in aanay u aabo yeelin dhulkii danta guud ee uu qaranku lahaa.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta soo kormeerayay Buuraha ku yaala Magaaladda Hargeysa.

"In badan baanu mayorada kulanay, in badan baanu u sheegnay wixii umadda u dan ah in aanu wada yeelno, wax badan baanu ka shirnay in aanu danta guud ilaalino, 24ka saacadood waanu soconaynaa, dhul dana guud ah baanu ilaalinaynaa.

 

Dawladda Hoose wax  badan oo aan is amrin baaba jira oo qudhooda ayaaba is barbar mara, marba nin baa meel ka dhaqaaqaya xildhibaan ah, dhul buu iska qorshaynayaa, meelo 5km ka baxsan magaaladda ayaa la qorshaynayaa, meelaha kale ee danta guud ayaa la qorshaynayaa, dad baa la siinayaa, waa la iibinayaa, dhibaato wayn baa halkaasi ka jirta.

Marka aad todobaaan meelood tagto, saddex boqol oo meelood baa lagu dhaafinayaa, dawlad hoose meel ay joogtaba way na daba martaa, waxa keliya ee aanu leenahayna waxa weeyaan waar wixii dan guud ah in aynu heshiis ku nahay baanu idinka barinay, dhulka danta guudna waa dhulkii loogu talo galay xabaalaha ee loogu talo galay, Masaajiida” ayuu yidhi