Hargaisa:-Xukumada Somaliland OoXayiraad Saartay Wargays Kasoo Baaxa Hargaisa+Solja Oo Ka Hadashay

0
Wednesday June 20, 2018 - 18:41:44 in by salman abdi
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaisa:-Xukumada Somaliland OoXayiraad Saartay Wargays Kasoo Baaxa Hargaisa+Solja Oo Ka Hadashay

    Hargaisa:-Xukumada Somaliland OoXayiraad Saartay Wargays Kasoo Baaxa Hargaisa+Solja Oo Ka Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaisa:-Xukumada Somaliland OoXayiraad Saartay Wargays Kasoo Baaxa Hargaisa+Solja Oo Ka Hadashay

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)ayaa ka hadlay Xayiraadda Ay Wargayska Waaberi Saarta Xukuumadu,waxaana U Soo Jeediyay In La Dhawro Xoriyadda Warbaahinta.

Guddoomiyaha Oo Barta Uu Facebook Ku Leeyahay Qoraal Oo Ku Cambaaraynayo soo dhigay ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Ururka SOLJA waxa uu u arkay xayiraadda ay maanta xukuumaddu saartay wargeyska Waaberi mid aan waafaqsanayn xeerka Saxaafadda Somaliland kaasoo muwaadiniinta xaq u siinaya inay nidaam xeerka waafaqsan u furan karaan hay'ad warbaahineed.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ka qaado xayiraadda ay saartay wargeyska Waaberi, kaasoo labadii toddobaad ee u danbeeyey ku soo baxayey Ruqsad ay siisay wasaaradda warfaafinta iyo xafiiska xeer ilaalinta guud.

 

Xayiraaadda ay xukuumaddu saartay wargeyska Waaberi waxa lagu soo saaray codsi xafiiska xeer ilaalintu u gudbiyey maxkamadda gobolka Maroodijeex, taadii ku war-galisay madbacadaha Daabaca wargeyska double in aanay soo saari Karin wargeyska Waaberi.

Ururka SOLJA, waxa uu u arkaa talaabada ay wargeyskan iyo kuwii ka horeeyey ku xayirtay inay tahay mid ay ku hortaaagan tahay xuquuqda muwaadiniinta xeerka saxaafaddu u siiyey inay ku furtaan hay'addo warbaahineed.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda Mar kale ugu baaqayaa inay ku dhaqanto xeerka saxaafadda isla markaanna aan muwaadiniinta qaarkoodna aan sharciga loo jabin qaarkoodna aan lagaga hor istaagin mabaa'diida ay aaminsan yihiin.