Muqdisho:-Maxkamada Ciidanka Soomaaliya Oo Go,aan Ka Gaadhay Askari Lagu Eedeyaya Inuu Dil Gaystay

0
Thursday June 21, 2018 - 08:16:37 in by salman abdi
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Maxkamada Ciidanka Soomaaliya Oo Go,aan Ka Gaadhay Askari Lagu Eedeyaya Inuu Dil Gaystay

    Muqdisho:-Maxkamada Ciidanka Soomaaliya Oo Go,aan Ka Gaadhay Askari Lagu Eedeyaya Inuu Dil Gaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Maxkamada Ciidanka Soomaaliya Oo Go,aan Ka Gaadhay Askari Lagu Eedeyaya Inuu Dil Gaystay

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa go’aan ka gaadhay dacwad lagu soo oogay sarkaal ka tirsan ciidamada kaas oo lagu eedeeyey inuu dil u gaystay askari ay ka wada tirsanayaan ciidamada.

Xeer ilaalinta soomaaliya ayaa soo bandhigtay cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashadiisa, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas ka dib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxaa uu maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil ka dhigay in uu ka da’weynaa marxuunka dhintay , balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin diyada marxuumka.

 

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya eeda xeer ilaalinta iyo cadaymaha ay keentay aya go’aan ku gaadhay  In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darajadii Ciidan ee uu lahaa, Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada soomaaliya.