Dalka Hungary oo mamnuucaya muhaajiriinta magangelyo doonka ah

0
Thursday June 21, 2018 - 08:33:21 in by salman abdi
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Hungary oo mamnuucaya muhaajiriinta magangelyo doonka ah

    Dalka Hungary oo mamnuucaya muhaajiriinta magangelyo doonka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Hungary oo mamnuucaya muhaajiriinta magangelyo doonka ah
HungaryLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Baarlamaanka dalka Hungary ayaa meel mariyay sharciyo la doonayo in lagu xakameeyo dadka soo galootiga ahi ee dalkaasi magangelyada u raadsanaya.

Sharciyadan ayaa waxaana ku jira qaanuun dambi iyo xadgudub ka dhigaya dadka soo galootiga sharci darrada ahi. Dowladu waxa ay sheegtay in ay u baahan tahay in ay ilaaliso amniga iyo haybta dadka dalka Hungary.

Sharcigan cusub ayaa lagu dhaliilay in uu halis gelinayo soo galootiga oo uu bartilmaameedkiisu yahay kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda muhaajiriinta iyo kooxaha bulshada rayidka ee u gurmada dadla soo galootiga ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale meel mariyay isbeddel lagu sameeyay dastuurka dalkaasi, kaa oo mamnuucayo in deganaasho la siiyo wax ay ku tilmaameen dadka sharci darrada ku soo galay dalkaasi.

Khubarada dhanka sharciga ayaa ka digaya suurtagalnimada in sharciyadan cusub ee dalka Hungary ay lid ku noqdaan shuruucda u taal waddamada reer Yurub iyo qawaaniinta kale ee xaquuqul insaanka