Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Soo Saaray 5 Qodob Oo Lagu Xalin Karo Dagaalka Tuke-raq Ee Somaliland Iyo Puntland

0
Thursday June 21, 2018 - 10:20:28 in by salman abdi
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Soo Saaray 5 Qodob Oo Lagu Xalin Karo Dagaalka Tuke-raq Ee Somaliland Iyo Puntland

    Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Soo Saaray 5 Qodob Oo Lagu Xalin Karo Dagaalka Tuke-raq Ee Somaliland Iyo Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Soo Saaray 5 Qodob Oo Lagu Xalin Karo Dagaalka Tuke-raq Ee Somaliland Iyo Puntland
Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Soo Saaray 5 Qodob Oo Lagu Xalin Karo Dagaalka Tuke-raq Ee Somaliland Iyo Puntland.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey dhowr qodob oo xal u noqon kara xiisadda dagaal ee u dhaxeysa dawladda Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland ee ka taagan deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool.

Qodobo uu soo saarey oo ka kooban 5 ayaa waxa ay isugu jiraan baaq iyo tallooyin ku socda mas’uuliyiinta Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland.

Hadaba Hoos Ka Akhriso 5-ta Qodob ee uu soo saarey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
In ka badan 30 sano waayo aragnimo ah ayaan u leenahay in khilaafyada lagu xalliyo CUDUB CIIDAN lagumana soo guuleysan mar qura. Haddaba, walaalaha isfaham waagu u dhaxeeyo waxaan ugu baaqayaa qodobada soo socda:

Xabbad joojin degdeg ah iney ku dhawaaqaan oo ay NABADDA ku dhiirradaan.

 

In ciidamada ay kala qaadaan si fursad lagu wada hadlo u abuuranto.

 

Ka dibne la billaabo wada hadal dhexdooda ah oo ay hoggaaminayaan dhexdhexaadiyaal iyo fududeeyaal Soomaali ah o oka dhaca TUKARRAQ lafteeda

Waxaan si gaar ah farta ugu fiiqayaa isimada, culumaa’uddiinka iyo ganacsatada iney si gaar ah ugu istaagaan arrinka isna doontaan iyagu oo waxaan leeyahay magaciin ha jiro e berri NABADDA YAAN DIBADDA LAGA JIRIN

Inta dadaalladu socdaan, dhinacyadu waa iney joojiyaan hadallada XANAFTA leh ee danqinayo boogihii hore laguna baddalo hadallo ka tarjumayo Soomaalinimada.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa qormadaan kooban:
"WALAALAYAAL WAXA AAN ISKU NAHAY AYAA AAD UGA BADAN WAXA AAN KALA NAHAY EE CAQLIGU HA TALIYO”.