Wadahadalladii nabadda South Sudan oo heshiis lagu gaadhi waayey

0
Friday June 22, 2018 - 09:30:00 in by salman abdi
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadalladii nabadda South Sudan oo heshiis lagu gaadhi waayey

    Wadahadalladii nabadda South Sudan oo heshiis lagu gaadhi waayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadahadalladii nabadda South Sudan oo heshiis lagu gaadhi waayey
Reik MacharLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionReik Machar

Hogaamiyaha fallaagada South Sudan ayaa la gayn doonaa dal dhexdhexaad ah, arintaas oo qayb ka ah heshiis la doonayo in lagu soo af-jaro dagaalka sokeeye ee dalkaa ka socday afarta sannadood.

Tan iyo markii uu ka carary magaalo madaxda Juba 2016-kii waxa uu ku jiray xabsi guri ku yaal dalka Koonfur Afrika.

Wadahadalladii nabadda ee dalka ay diriska yihiin ee Itoobiya uu Machar fool ka fool ugula kulmay ninka ay is hayaan ee madaxweyne Salva Kiir ayaa soo gabogaboobay iyada oo aan wax heshiis ah la gaadhin.

Laba sannadood oo uu xabsi guri ku jiray ka dib, ayaa hogaamiyaha fallaagada Riek Machar waxa dhici karta in uu si dhakhso ah xorriyad buuxda u helo, laakiin u suurto geli mayso inuu haatan ku noqdo South Sudan. Sababta oo ah hogaamiyeyaasha gobolka ayaa waxay meel mariyeen qorshe lagu dejinayo dal kale oo ka baxsan gobolka Bariga Afrika.

Madaxweyne Kiir, ayaa isna waxa uu diiday haloosi ah in ay ka wada shaqeeyaan madaxweyne ku xigeenkiisaa hore xukuumad ku meel gaadha ah oo la dhiso.

Wadahadalladii labada maalmood socday waa lagu furdaamin waayey is mari waaga taagan ee u dhexeeya labada dhinac ee dagaalamaya oo mid waliba mawqifkiisii maro ku dhegga ahaa kama soo debcin.

IGAD oo ku baaqday in xayiraadda laga qaado hogaamiya fallaagada South Sudan

South Sudan oo lagu wadahadalsiinayo dalka Itoobiya

Mareykanka oo mamnuucay in wax hub ah la geeyo South Sudan

Wareegga labaad ee wada hadallada waxa lagu qaban doonaa dalalka Sudan iyo Kenya waxaana markii ugu horraysay lagaga hadli doonaa dhaqaalaha dalkaas ee colaaddu ragaadisay.

Wax soo saarkii saliidda ee dalkaasi hodanka ku yahay ayaa isaguna gabi ahaantiiba afka dhulka daray, waxa aanay dhexdhedaadiyeyaashu waxay ku handadeen in ay cunoqabayn ku soo rogi doonaan labada dhinacba hadii ay xal gaadhi waayaan.

Tobanaan kun oo qof ayaa ku dhintay malaayiin kalena way ku barokaceen intii dagaalkaa qarxay Diisember 2013-kii uu socday.