Muqdisho:-Raisal Wasaraha Somaya Oo Shaaciyay Inanay Jirin Dekedo La Siyay Dalka Ithobia

0
Friday June 22, 2018 - 09:56:42 in by salman abdi
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Raisal Wasaraha Somaya Oo Shaaciyay Inanay Jirin Dekedo La Siyay Dalka Ithobia

    Muqdisho:-Raisal Wasaraha Somaya Oo Shaaciyay Inanay Jirin Dekedo La Siyay Dalka Ithobia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Raisal Wasaraha Somaya Oo Shaaciyay Inanay Jirin Dekedo La Siyay Dalka Ithobia

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo magaalada Oslo kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galeen.

Kheyre ayaa sheegay in ay jiraan sida dad ka soo horjeeda in ay dowladnimada oo wax walbana siyaasadeeya, waxaana uu intaa ku daray in aysan jirin Dekaddo la siiyay Itoobiya, balse dekedaha ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay la kulmeen ra’iisal wasaaraha Itoobiya, wada hadalna yeesheen, intaasi kadibna ay soo saareen war-murtiyeed khuseeya kulankooda, balse halkaasi uusan ka dhicin wax heshiis ah.

"Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo wax walba siyaasadeeya, si ay u carqaleedaayaan dowladnimada, maalmahan waxaan maqlayay in heshiis lala galay dowladda Itoobiya, annaga wax heshiis ah lama gelin Itoobiya, ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa inoo yimid, waan soo dhaweynay, shirkii markuu idlaaday war-murtiyeed baa ka soo baxay, kaas oo ah in dhaqankii hore wax laga bedelayo, dekeddo aan bixinay ma jiraan, dekedaha shacabka Soomaaliyeed baa iska leh.” ayuu yiri Khayre.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa habeen ka hor wuxuu TV-ga dowladda kala hadlay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u faah faahiyay heshiiskii dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, balse shacabka weli ma qancin, oo waxaa laabtooda ka guuxaya hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ee ahaa in la mideynayo labada dal.