Muqdisho:-Waftigii Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Dub Ugu Labbtay Muqdisho Iyo Wasirka Maliyada Somaiya Oo Faahfaahin Kabixiyaya Ujeedka Safarka

0
Saturday June 23, 2018 - 11:25:56 in by salman abdi
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Waftigii Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Dub Ugu Labbtay Muqdisho Iyo Wasirka Maliyada Somaiya Oo Faahfaahin Kabixiyaya Ujeedka Safarka

    Muqdisho:-Waftigii Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Dub Ugu Labbtay Muqdisho Iyo Wasirka Maliyada Somaiya Oo Faahfaahin Kabixiyaya Ujeedka Safarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Waftigii Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Dub Ugu Labbtay Muqdisho Iyo Wasirka Maliyada Somaiya Oo Faahfaahin Kabixiyaya Ujeedka Safarka

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

Madasha waxaa ka qeyb galay sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu ku soo dhammaaday guul.

Khayre ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaaray koboca dhaqaalaha dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku taagto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabada ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalkeena iyo dalalka aan saaxiibada nahay ee gacan qabtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya.