Mr Tramp Oo Soo Saaray Hanjabaaada Ganacsi Oo Saamaynaysa Midawga Yurub

0
Saturday June 23, 2018 - 11:30:38 in by salman abdi
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mr Tramp Oo Soo Saaray Hanjabaaada Ganacsi Oo Saamaynaysa Midawga Yurub

    Mr Tramp Oo Soo Saaray Hanjabaaada Ganacsi Oo Saamaynaysa Midawga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mr Tramp Oo Soo Saaray Hanjabaaada Ganacsi Oo Saamaynaysa Midawga Yurub

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ku hanjabay inuu cashuur ku soo rogi doono baabuurta midawga yurub u dhoofiyaan dalkiisa, taas oo noqon karta dhacdo kale oo sii hurisa dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya wadamada yurub iyo maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu cashuur gaadhaysa 20% ku soo rogi doono baabuurta ka imanaysa dalalka yurub ee lagu iibiyo suuqyada Maraykanka.

Hadalkan oo uu ku qoray barta uu ku leeyahay shababkadda Twitter-ka, aya soo baxay isla maalintii uu dhaqan galay qaraarkii ay cashuuraha dheeraadka ah ku saareen reer Yurub badeecadaha Maraykanka ee ay kaga dibaaqayeen cashuurta culus ee Maraykanku saaray xadiidka iyo aluminium-ka ay u dhoofiyaan.

 

Hanjabaadaa Trump markii ay soo baxdayba waxa laga dareemay suuqyada saamiyada wershadaha baabuurta ee Yurub.

Canshuurta uu mareykanka ku soo rogay alaabadaasi waddamadaa ka soo galo waxuu ku dhawaaqay saqdi dhexe ee caawa xilliga Washington.

Wuxuuna soo rogay canshuur dhan 25% biraha laga soo geliyo waddamadaas iyo 10% alumuuniumka laga soo geliyo Midowga yurub, Canada iyo Mexico.

Xogahayaha ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross, wuxuu sheegay iney Midowga Yurub ku guul darreysteen iney ka faa'ideystaan labadi bilood ee canshuur dhaafka la siiyey.

Britain ayaa waxay sheegtay iney go'aanka Mareyknaka uu qaatay ay "aad uga niyad jabsan tahay" kaddib marki ay toddobaadyo wadxaajood arrintani ku saabsan ay u socdeen labada dhinac