Puntland:-Madaxwayne Gaas Oo Iska Shaandhayn Ku Sameeyay Xukumadiisa

0
Thursday June 28, 2018 - 14:02:10 in by salman abdi
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland:-Madaxwayne Gaas Oo Iska Shaandhayn Ku Sameeyay Xukumadiisa

    Madaxwayne Gaas Oo Iska Shaandhayn Ku Sameeyay Xukumadiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Gaas Oo Iska Shaandhayn Ku Sameeyay Xukumadiisa


Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo

Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Puntland

Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha

wasaaraddaha

Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda 
Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.


Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.