Labiska haweenay weriye ah oo muran badan ka dhaliyay Sacuuidga.

0
Thursday June 28, 2018 - 16:42:14 in by Burco Office
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labiska haweenay weriye ah oo muran badan ka dhaliyay Sacuuidga.

    Labiska haweenay weriye ah oo muran badan ka dhaliyay Sacuuidga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labiska haweenay weriye ah oo muran badan ka dhaliyay Sacuuidga.
Shireen al-RifaieLahaanshaha sawirkaAL AAN TV
Image captionShireen al-Rifaie

Dowladda Sucuudiga ayaa baaritaan ku haysa haweenay wariye ah oo si aan waafaqsanayn sharciga u labisatay xilli ay tabinaysay barnaamij toos ah oo looga hadlaayey xayiraadda laga qaaday dumarka wada gawaarida.

Shireen al-Rifaie ayaa muuqaal laga duubay ka dib markii ay dhar ay wadatay ay dabeesha kor ooga feeday , kaddibna ay soo muuqdeen dharkii hoose ee ay xirnayd.

Muuqaalka ayaa muran badan ka dhaliyey baraha bulshada , iyagoo isticmaalaya hal kudhigga ah " haweenay qaawan"

Ms Rifaie, oo u shaqeyso telefishinka Al Aan TV, oo uu saldhigiisa yahay Dubai ayaa beenisay inay samaysay wax khalad ah.

Dowladda ayaa muddo tobonaan sano ah hirgelinaysay sharciyo adag oo ka dhan ah sida ay haweenka u labistaan, haweenka ayaa looga baahanyahay inay xirtaan dhar asturaaya jirkooda oo dhan.

Balse bishii Maarso dhaxal sugaha boqortooyada bin Salman ayaa shaaciyey in dumarka kaliye looga baahanyahay inay u labistaan si xushmadaysan aysanna qasab ku ahayn inay xirtaan cabaayadaha ama saakooyinka waa weyn.

"Sharciga waa mid cad ,sidii lagu sheegay diinta Islaamka ,dumarka waa inay u labistaan si xushmad leh ,hufan", ayuu ku yiri dhaxal sugaha boqrtooyada Sucuuda telefishinka CBS.

"Hase yeeshe , go'aanka ugu dambeeya waxaa leh dumarka ,maxaa yeelay iyaga ayaa garanaya waxa ay doonayan inay xirtaan iyo sida ay raban inay ugu labistaan dharkooda"

Sarkaal ka tirsan warbaahinta qaranka ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray maalintii Talaadada ahayd inay baarayaan muuqaalka.

Ms al-Rifaie ayaa diiday eedaymahaas.

"Waxaan xirnaa dhar asturan,Ilaahay ayaana runta og" ayey tiri Ms al-Rifaie.

Waxayna hadda Ms al-Rifaie ku soo laabatay Imaaraatka, sida ay sheegtay warbaahinta Ajel