Dalladii Xisbiga Kulmiye maroorsaday ee SONSAF oo Shirweyneheedii la mudeeyey...W/Q Aisha Abdi Miigane

0
Friday June 29, 2018 - 12:56:35 in by salman abdi
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalladii Xisbiga Kulmiye maroorsaday ee SONSAF oo Shirweyneheedii la mudeeyey...W/Q Aisha Abdi Miigane

    Dalladii Xisbiga Kulmiye maroorsaday ee SONSAF oo Shirweyneheedii la mudeeyey...W/Q Aisha Abdi Miigane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalladii Xisbiga Kulmiye maroorsaday ee SONSAF oo Shirweyneheedii la mudeeyey...W/Q Aisha Abdi Miigane

Dalladan oo ku magacaaban inay xidhiidhiso jilayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland ayaa la asaasay sannadii 2008, iyada oo ay ku dhisantay fikradda ahayd in la helo madal xidhiidhisa inta aan dawladda Somaliland ku jirin ee lagu magacaabo Jilayaasha aan dawliga ahayn. Balse fikraddii waxaa leexiyey oo ka dhigay mid aan lagu fulin ujeedadii loo asaasay Xisbiga Kulmiye oo xilligaa ahaa Mucaaradka ugu weyn Somaliland, waxaanu u rogay meel lagu ururiyo xogaha lagu wiiqi karo Xisbigii talada Dalka hayay ee UDUB, laguna abaabulo labada reer ee macno ahaan wada leh Xisbiga kulmiye.

Waxaa Guddoomiyihii kuwaad ka noqotay Amina Faarax oo ah inan uu adeer u yahay GuddoomiyiiXilligaas ee Xisbiga Kulmiye Siilaanyo, isla imikana ah Gudoomiye ku xigeenka. Inyar ka dibna waxaa dib loo qurxiyey qaab dhismeedka Dallada oo laga dhigay meel ay si isku dheeli tiran u wadaagaan labada reer; iyada ooGuddoomiye looga dhigay Aadan Xaaji Cali oo hadda ah Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland oo ka socday reerkii labaad ee Xisbiga kulmiye, halka Agaasime looga dhigay Mohamed Barawaani oo ah wiil uu Adeer u yahay Madaxweyne Siilaanyo.

 

Waxaa uga danbeeyey oo xilkii uu ku wareejiyey Aadan Xaaji Cali wiil kale oo ay isku beel yihiin oo la yidhaahdo Mustafe Sacad oo uu adeer dhaw u yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isna hayay shantii sano ee ugu danbeeyey. Shir weynihii uu xilka ku wareejin lahaa ayaa loo mudeeyey 30ka bishan June 2018ka; waxaana uu xilka ku wareejinayaa wiil kale oo ay isku beel yihiin oo isna la yidhaahdo Anwar Warsame oo isna kasii daadihin doona halkaa. Waxaa xusid mudan in weli uu agaasime ka yahay wiilkii uu Siilaanyo adeerka u ahaa, shaqaalaha muhiim ka ahna ay labadaa reer uun yihiin.

Waxaynu iftiiminaynaa shaqadii loo asaasay iyo shaqada ay qabato dallada SONSAF ee rasmiga ah

1.Waxaa loo asaasay:

a.Horumarinta dimuquraadiyadda Somaliland (democratization)

b.Sare u qaadida isla xisaabtanka iyo maamul wanaaga (good governance and accountability)

c.Dhismaha qaranka iyo nabadda (state building and peace building)

d.Dhisida iyo xoojinta bulshada rayidka ah

2.Shaqada rasmiga ah ee ay qabato:

a.Dhismaha iyo xoojinta Xisbiga kulmiye iyadoo siyaabo badan oo dhabarku muuqdo loogu cadeeyey,mid mid ayaynu tixi haddii loo baahdo.

b.Dhiirigelinta ururada bulshada rayidk ah ee ay haystaan labadaa reer, ama ka shaqaynta in urur kasta ay qabsadaan cid ka socota labadaa reer, sida ka muuqada dhammaan ururada waa weyn iyo Dalladaha waa weyn ee wadanka.

c.Dhismaha iyo is garabtaaga danaha labada reer ee xisbiga shuraakada ku ah, sida inaykhalad iyo saxba la macyihiin Xisbiga kulmiye, taas bedelkeedana ay u basaasaan xisbiyada kale iyo shakhsiyaadka Somaliland ee sida qarannimada ah u fekera.

d.Kala furfuridda ururada Bulshada oo lala shaqeeyo kuwa ay haystaan reeraha wada yeeshay dalladan iyo Xisbiga kulmiye.

Runtu waxay dhistaa nabadd waarta, wada lahaansho iyo wada noolaanshaha bulshada, haddii lala kala maago in la isku sheego run iyo daacadna waxaa soo gaabta cimriga wada noolaanshaha, waxaana gaabis noqda koritaanka ummada. Sababta aan maqaalkan ugu iftiimiyey waxa ka dhex socda Dallada SONSAF waa in la saxo ama la wada ogaado si aan markasta la isugu dagin.

 

Shirkan la mudeeyey 30ka bishan June 2018 waxaa loogu talo galay in mar kale xilka lagu maroorsado, laguna indha sarcaadiyo Bulshada Somaliland, sidii caadada u ahayd, waxaanan ku talin lahaa in shacabka Somaliland intooda aan ogayni sidaa ula socdaan, bulshada Caalamka ee inala shaqaysana intooda aan sidaa u ogayn aynu gaadhsiino, si isla xisaabtanka iyo wadaaga wadanka aynnu seeska ugu dhigno.

 

Aisha Abdi Miigane

[emailprotected]

London, UK