Caalamka:-Raysal Wasaaraha UK Oo Fariin Ku Dirtay Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub+Arimaha Ay Daarantahay Farintu

0
Saturday June 30, 2018 - 10:56:55 in by salman abdi
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Raysal Wasaaraha UK Oo Fariin Ku Dirtay Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub+Arimaha Ay Daarantahay Farintu

    Caalamka:-Raysal Wasaaraha UK Oo Fariin Ku Dirtay Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub+Arimaha Ay Daarantahay Farintu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Raysal Wasaaraha UK Oo Fariin Ku Dirtay Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub+Arimaha Ay Daarantahay Farintu

Hoos u dhac ayaa ku iman doona ammaanka muwaadiniinta, hadii UK ay ka baxdo heshiisyada dhanka ammaanka ee ay ku jirto marka ay ka baxayso Midawga Yurub, sida ay ra'iisulwasaare Theresa May uga digtay hogaamiyeyaasha Midawga Yurub.


Midawga Yurub ayaa sheegay in marka Britain ay ka huleesho Midawga Yurub aanay sii adeegsan karin siyaasadihii iyo shuruucdii markii ay xubinka ahayd oo kale ah.Britain ayaa sheegtay in masuuliyiinta wada hadalada uga qaybgalaya Midawga Yurub ay ka hor istaagayaan adeegsiga heshiiska ay ku dabo galaan dadka looga shakisan yahay argagixisada iyo isla wadaagidda macluumaadka wixii ka dambeeya bisha March ee 2019ka.

Raysal wasaareTheresa May ayaa masuuliyiinta Midawga Yurub ugu baaqday "in ay ka baaraan dagaan waxa u wanaagsan muwaadiniintooda iyo kuwa UK".

 

Iyada oo ka hadlaysay casho lagu qabtay magaalada Brussels ayay ra'iisulwasaaruhu sheegtay in carqaladaynta hawlaha laamaha ammaanka ay ka dhigan tahay hoos u dhigidda awooddii ay kula dagaalamayeen argagixisada.

"Ma awoodi doono in aan si degdeg ah isula wadaagno dadka la doondoonayo, oo ay ku jiraan kuwa dambiyada waawayn gaysta," ayay tiri May.