Afhayeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Madoobay Oo La Waydiiyay Warqaddii Uu Dhawaan Madaxweyne Biixi U Diray

0
Saturday June 30, 2018 - 16:19:55 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Madoobay Oo La Waydiiyay Warqaddii Uu Dhawaan Madaxweyne Biixi U Diray

    Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kooban uga jawaabay warqadii dacwada ahayd ee uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray ee uu tabashada kaga muujiyay ergayga Qaramada Midoobay Mr. Michael Keating.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kooban uga jawaabay warqadii dacwada ahayd ee uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray ee uu tabashada kaga muujiyay ergayga Qaramada Midoobay Mr. Michael Keating.



Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee City Press ayaa afhayeenka weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa xogta uu ka hayo warqadaas iyo sida looga jawaabay, waxaanu si kooban u sheegay inaanau warqadaas xog rasmi ah ka haynin, balse ay Qaramad Midoobay taageersantahay dedaalada danjire Keating. "Maya, anigu kama warqabo warqadaas, laakiin xoghayaha guud kalsooni buuxda ayuu ku qaba Danjire Michael Keating iyo habka uu shaqadiisa u wadaba,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan xoghayaha guud u gudbiyay dhambaal uu kaga hadlay ergayga danjire Keating, oo uu ku eedeeyay inaanu dhex ka ahayn xaaladaha taagan islamarkaana uu is diidsiinayo heerka ay Somaliland gaadhay.

 

Geeska Afrika