Burco:-Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Togdheer Oo Sheegay Habsan Ku Yimid Imtaxaanka Iyo Qodabo Ku Lid Ah Arimo Kasoo Baxay Wasaradiisa Oo Ku Hadlay.
Gudoomiyaha Xasan Oo Isaga Oo Ku Guda Jira Shirkiisan Jaraa,iid Ayaa Warbaahinta Qarkood Su,aalo Ka Waydiyeen Su,aal Nuxurkeedu Ahaa Habsan Ku Yimid Imtaxaanka Waxana Uu Qiray Inuu Jiro Habsankaasi Gudoomiyuhu Waxana Uu Yidhi
”Waxa Jira Horta Tiknikali Waad Taqaan Oo Bila Aadmi Ayaa Waxaan Sameeyay,Soo Diyaariyay,Marka Waraqo Ka Go,een Ka Go,ayna,Fasalo Aan Waraaqo Maraynin meeshina Goobta Ku Qoran,Markaa Intaa Aad Sheegayso Waxa Jira Cilad Farsamo”Ayuu Yidhi Gudoomiye Xasan
Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer Ayaa QIray In Tiro Arday Oo Gaadhaysa 20 Arday Inay Go,een Waraqii Imtaxaanka Ku Galayeen Taasina Ay Sababtay Inay Uga Soo Qaadan Iskuul Kale Wana Kan Gudoomiyaha Oo Arimhiisa Ka Hadlayaa
”Labatanka Arday Ee Waraaquhu Ka Go,een Waxii Waraqo Dheerad Halkan Ku Ahaana Waa Loo Hayay Oo Way Sugayeen,Waxii Ka Dhinaana Waxaan Ka Keenay Iskuulkii Ugu Dhawaa "Ayuu Yidhi Gudoomiye Xasan,
Gudoomiye Xasan Ayaa Hadalkiisu Ka Baal Marsan Yahay Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxanaadka Soomaliland Mr Daa’uud Axmed Faarax Oo Maalmaha Ka Hor Shaaciyay In Si Dhamaystiran Imtaxaanki U Wada Gaadhay Dhamaan Deeganada Soomalland Gudoomiye Xasana Waxa Uu Sheegay Inuu Jiro Habsan Taaso U Muuqata
Wasarada Waxbarashada Iyo Sayniska Ayaa Waxa Kaso Baxay Hadalo Isku Lid Ah Oo Kale Tilmaamayaa Laba Talaabo Oo Loo Qaadan Karo Inuu Imtaxaankii Sanadkan Oo Dul Hoganayo Fashil Badan.
Burco:-Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Togdheer Oo Sheegay Habsan Ku Yimid Imtaxaanka Iyo Qodabo Ku Lid Ah Arimo Kasoo Baxay Wasaradiisa Oo Ku Hadlay.
Gudoomiyaha Wasaradda Waxbarashada Gobolka Togdheer Xasan Jamac Oo Ka Hadlayay Daahfurka Imtaxaanka Shahaadiga Ee Fasalada Afaraad Ee Dugsiyadda Sare Iyo Sideedaad Ee Dugsiyada Hoose Oo Bilaabmay Maalintii Shalay Ayaa Sheegay Inuu Imtaxaanku Ku Yimid