Hargaysa:-Madaxwayne Ku Xigeenka Oo ShaaciyayLaba Degmo Oo Sanadkan Xukuumaddu Ku Dartay Barnaamijka JPLG

0
Monday July 02, 2018 - 16:45:06 in by salman abdi
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Madaxwayne Ku Xigeenka Oo ShaaciyayLaba Degmo Oo Sanadkan Xukuumaddu Ku Dartay Barnaamijka JPLG

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa ka hadlay Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka ee JPLG, waxaana uu ka dhawaajiyay laba degmo oo sanadkan loo Qorsheeyay in lagu horumariyo Barnaamijkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa ka hadlay Barnaamijka Horumarinta Degmooyinka ee JPLG, waxaana uu ka dhawaajiyay laba degmo oo sanadkan loo Qorsheeyay in lagu horumariyo Barnaamijkaasi.


Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlayay Madal Lagu Soo Bandhigayay Barnaamijkaasi ayaa yidhi.

 

"Waxaynu rajaynaynayaa in wajiga cusub shanta sano ee soo socda aynu gaadhsiin doonno 15-ka degmo ee hadhay, dawlad ahaanna waxanu haya’dda qaramada midoobay ee hawsha gacanta ku haya tusaynaa inaanu fidinta samaynno, iyaguna dhaqaalaha nagu taageeraan, waxana aanu ku horraysiin doonnaa labada gobol ee waaweyn ee Bariga, sannadkanna waxa aanu bilaabi doonnaa laba degmo oo A ah iyo mid B ah, si alku uu xagga waxqabadka isugu soo dhawaado.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada barnaamijkan laga leeyahay tahay sidii bulshada iyo adeegyada Aas-aasiga ah la isugu soo dhaweyn lahaa, isla markaana ay xukuumad ahaan diyaar la yihiin wixii dhaqaale looga baahdo inay ku kaalmeeyaan, "Annagu dawlad ahaan waxanu diyaar u nahay inaanu wixii dhaqaale nagu hagaagay inaanu diyaarinay, haddii ay tahay maamulkaa degmooyinka lagu fidinayo iyo haddii ay tahay maamul-daadejintii socotay ee ka socotay saddex degmo oo tijaabo ah oo runtii guulaystay, waxana ku biiraya laba degmo oo midi Hargeysa tahay iyo degmada Gabiley, degmooyinkaas kalena waa la gaadhsiin doonaa, waana arrin Distuuri ah oo inoo taalla in adeegga aasaasiga ah aynu hoos u daadejinno oo aynu shacabkeena u dhaweynno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.