Hargeysa:Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ka Socota Guddiga Caalamiga ah ee ICRC Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay

0
Wednesday July 04, 2018 - 15:55:27 in by salman abdi
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ka Socota Guddiga Caalamiga ah ee ICRC Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ka Socota Guddiga Caalamiga ah ee ICRC Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wefti Ka Socota Guddiga Caalamiga ah ee ICRC Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 04/07/2018

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Guddiga Caalamiga ah ee ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa Guddida Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, Mr. Simon Brooks.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna waxalaga wada hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ICRC, isla markaana ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, waxa kale oo laga wada hadlay arrinta maxaabiistiiSoomaaliya ee dagaalka Tuka- raq ay Somaliland ku qab-qabatay, oo ay Somaliland ku ammaaneen siday ula dhaqantay maxaabiistaasi dagaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xabbad joojinta dagaalka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray deegaanka Tuka-raq ee gudaha Somaliland.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in ay Jamhuuriyadda Somaliland, marwalba maxaabiista si wacan ula dhaqanto, tahayna mid waajib islaamiya iyo mid dhaqanka Somaliland ah, marnabana aanay suurto gelayn in sixun loola dhaqmo maxaabiista dagaalka, iyadoo taa ka duulaysana Somaliland ay u ogolaatay ehellada maxaabiistaasi inay booqan karaan una yimaadaan.

 

 

Dhinaca kale Madaxweynuhu mar uu ka jawaabayey qodob ay ka hadleen weftigu oo ahaa in xabad joojin laga sameeyo Tuka-raq, waxa uu u sheegay in Hadalka ka soo yeedhay Farmaajo ee xabbad joojintu uu yahay tallaabo hore loo qaaday, kana mid ahaa qodobadii Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Somaliland-na dhinaceeda beesha caalamka ay hore uga aqbashay.



 

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


 



Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa - Republic of Somaliland
Line: 518390