Caalamka:-Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo booqanaya Eritrea +U Jeedka Safarkiisa.

0
Sunday July 08, 2018 - 08:56:11 in by salman abdi
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo booqanaya Eritrea +U Jeedka Safarkiisa.

    Caalamka:-Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo booqanaya Eritrea +U Jeedka Safarkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Ra'isal wasaaraha Itoobiya oo booqanaya Eritrea +U Jeedka Safarkiisa.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa booqasho lama filaan ah ku tagaya dalka Eritrea maalmo uun ka dib markii labada dal wadahadallo ay ku soo af jarayaan colaaddii labaataneeyaha sanadood ka taagnayd soohdinta u dhaxaysa ay bilaabeen.

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go'naa.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra'isal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay.

Heshiiskaa oo ay gaadheen gudidii loo saaray khilaafka xadku sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin.

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof.

Ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil, Abiy waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono.