Asmaara:-Maxaa kasoo baxay kulankii hogaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya.

0
Monday July 09, 2018 - 08:16:02 in by salman abdi
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asmaara:-Maxaa kasoo baxay kulankii hogaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya.

    Asmaara:-Maxaa kasoo baxay kulankii hogaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asmaara:-Maxaa kasoo baxay kulankii hogaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya.

Dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in dib boorka looga jafo xiriirka diblomaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeyay labada dal, kadib 18 sano oo ay dirirsanaayeen labada dal.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaia Afwerki ayaa arrintan ku dhawaaqay, kadib kulan taariikhi ah oo labada hogaamiye ku dhxemaray magaalada Asmara. Waa markii ugu horeesay oo madaxda labadan dal ee dariska ah ay kulmaan muddo labaatan sano ah.

Labada dal ayaa waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo khadadkii taleefoonada iyo duullimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray labada wadan.

Xiriirka xumaaday ee labada dal ayaa ah mid salka ku hayo muran dhanka xadka u dhaxeeya labada wadan, kaasi oo dagaalka ka dhashay ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof tan iyo sagaashameeyadi.

Heshiis nabadeed oo dhexmaray Eritrea iyo Itoobiya sanadkii 2000 ayaa meesha ka baxay, kadib markii dowladda Itoobiya ay diiday inay aqbasho heshiiskii kama dambeysta oo dhigayay in dalka Eriterea lagu wareejiyo dhulka muranka uu ka taaganyahay oo ay kamid tahay magaalada Badme.

.
Image captionQariiradda dalalka Eritrea iyo Itoobiya

Socdaalka ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa uu daba joogaa booqasho ay dhawaan wafdi ka socda dalka Eritrea ku yimadeen magaalada Addis-ababa.

Khudbad toos looga baahiyay warbaahinta labada dal ayaa ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu ku sheegay inay sidoo kale ku heshiyeen in midba dalka kale uu ka furto safaarad iyo in dowladda Eritre ay Itoobiya u oggolaatay inay adeegsato dekedaha dalkaasi.

Kulanka labada hogaamiye ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay shacabka dalka Eritrea oo calamada labada wadan la tagnaa hareeraha wadooyinka magaalada Asmara.

Hasayeshee weriyaha BBC-da ee magaalada Addis-ababa ayaa waxaa uu soo sheegayaa in marka laga tago ballanqaadyadaasi oo dhan, aysan kala cadeyn xiliga ciidammada Itoobiya ay ka baxayaan dhulkii ay ku muransanayeen labada wadan.