Hargeysa: Shaqaale ka tirsanaa Madaxtooyada oo kasoo Jeeday Laascaanood oo lagu Bedelay Qaar kamida Qoyska Madaxweynaha

0
Monday July 09, 2018 - 11:51:57 in by salman abdi
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Shaqaale ka tirsanaa Madaxtooyada oo kasoo Jeeday Laascaanood oo lagu Bedelay Qaar kamida Qoyska Madaxweynaha

    Hargaysa: Xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa dul hoganaya dhaliilo badan oo ka muuqda habka loo shaqaalaysiiyey dad laga hawl galiyey qasriga madaxtooyada somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa: Xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa dul hoganaya dhaliilo badan oo ka muuqda habka loo shaqaalaysiiyey dad laga hawl galiyey qasriga madaxtooyada somaliland.


Waxa soo shaac baxday warar sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu meesha ka saaray laba muwaadin oo ka soo jeeda gobolka Sool kuwaas oo ka mid ahaa shaqaale soddon ah oo ku soo baxay imtixaan ay hay’adda shaqaaluhu ku qaaday magaalada Laascaanood.

Labadan muwaadin ayaa ku guulaystay inay ka hawl galaan qasriga madaxtooyada somaliland, kuwaas oo magacyadoodu yihiin Cabdirisaaq maxamud cabsiiye iyo Cabdiqani Axmed Maxamed.

Warar ay helayso warbaahintu ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu labadaas muwaadin ku badalay xubno kale oo ay isku deegaan yihiin kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin Cabdifataax Axmed Maxamed,  iyo Cabdale Cumar Cismaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in muwaadiniinta laga qaaday boosaska shaqo ee ay ka hayeen madaxtooyada somaliland lagu daray shaqaalaha aan rasmiga ahayn kuwaas oo ay suura gal tahay in laga saaro.

Shaqaalahan la bedelay oo soo jeeday gobolka sool ayaa kala ahaa Cabdirisaq Maxamuud cabsiiyey oo ka tirsana waaxda Gaadiidka iyo Cabdiqani Axmed maxmed oo ka tirsana Xafiiska Waaxda Qorsheynta ayaa lagu Bedelay Cabdifataax axmed Maxmed oo la geeyey kaalinta shidaalka madaxtooyada, iyo cabdalle cumar cismaan oo la geeyey xafiiska qorsheynta



isha ku hay afkashacabka.com