Hargeysa :Masuliyiintii Hore ee Dallada SYNA oo Xilkii ku wareejiyey Masuliyiin Cusub oo Dardargeliya Shaqadii Dallada+Sawiro

0
Monday July 09, 2018 - 13:07:42 in by salman abdi
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa :Masuliyiintii Hore ee Dallada SYNA oo Xilkii ku wareejiyey Masuliyiin Cusub oo Dardargeliya Shaqadii Dallada+Sawiro

    Masuliyiinta Dallada SYNA ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa qabtay Munasibaad ay xilka kula kala wareegayeena maamulkii hore ee SYNA hargeysa iyo maamuulka cusub oo ah aqoonyahano ka soo qalinjebiyey jaamacadaha waddanka Sudan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiinta Dallada SYNA ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa qabtay Munasibaad ay xilka kula kala wareegayeena maamulkii hore ee SYNA hargeysa iyo maamuulka cusub oo ah aqoonyahano ka soo qalinjebiyey jaamacadaha waddanka Sudan
isla markaasna kamid ah xubnihii waddanka SUDAN ka aasaasay dallada SYNA oo illa iminka ka shaqaysa Khartum.

Axmed yusuf iyo shabac cabdi maxmed ayaa xilkaa ku wareejiyey Garyaqaan Cabdiraxman jaamac saleban oo waddanka sudan kusoo bartay sharciga iyo khadra sanqadhyare ookamida dhalinyarada wax ku baratay waddanka kana qalinjebisay mid kamida jaamacadaha ugu caansan Hargeysa iyo Guud ahaanba Somaliland.
Image may contain: 8 people, including Ahmed Weli Yusuf, Eng Ibraahin Xamari and Garyaqaan Abdirahman Jama, people smiling, people standing, people sitting and indoor
kulankii xilwareejinta oo ay goob joog ahaayeen xubnaha labada maamul ee xilka isku wareejinayey ayaa laga soo jeediyey erayo u badnaa dhiirigelin dardaaran iyo waxyaabo u qabsoomay maamulkii hore iyo weliba waxyaabo u qorshaysnaa oo qabsoomi waayey iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen.
dhalinyaradan ayaa isku dhiirigeliyey in sidii ahdaafta SYNA ahayd la dardargeliyey dallada isla markaasna meel la isugu keeno dhalinyarada somaliland oo dhan si ay uga tashadaan masiirkooda.

"dhalinyarada oo aan qabiilo iyo qolooyin kala lahayn isla markaasna aragtida iyo horumarinta da'yartu ay midaysay ayaa noqonaysa isha keliye ee ay guul ku gaadhi karaan dhalinyaradu" ayuu yidhi guddomiyaha cusub ee SYNA Hargeysa Garyaqaan Cabdiraxman Jaamac oo halkaas ka hadlay.
"waxa ugu muhiimsan ee aynu gacmaha isu qabsanay magaceena iyo astaanteenuna ay tilmaamayso ayaa ah isku xidhnaan iyo midnimo dhalinyaro in la hale oo aynu is wacyigelino" ayuu yidhi guddomiyihii hore axmed yusuf oo isna halkaas kalemado ka jeediyey.

Ugu danbayntii waxa la isla qaatay in qorshayaal cusub iyo dardargelin la bilaabo isla markaasna loo baahanyahay in dhalinyaradu tashato oo isku tiirsanaato maadaama aanay jirin in cid si gaar ah dhalinyarada u metesha ama aanay hore dhalinyarada qaranku ugu samaysan dallad noocan ookale ah, marka laga reebo dallada Sonyo oo iyadu sheegtay inay metesho 50 urur oo u badan ururoberi hore xidhmay oo aanay joogin ba waddanka dadkii aasaasay iyo xubnihi toona isla markaasna aanay ku biirin karin kumannaanka aqoonyahan ee dhalinyarada ahi, maadaama aanay dhalinyaradu ururo lahayn, loona baahday wax isku xidha dhalinyarada aqoonyahanka ah ee ururada ku jira iyo kuwa aan ku jirinba si looga faaidaysto xooggooda, aqoontooda, aragtidooda iyo Dedaalada kale ee ay guud ahaanba dalka ka wadaan.
Image may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, including Garyaqaan Abdirahman Jama, people sitting