Xog Xasaasiya Ah:-Dal Cusub Oo La Filaayo Inuu Ka Mid Noqdo Urur Gobaleedka IGAD +Waa Kuma Dalkaas Cusub.

0
Monday July 09, 2018 - 13:39:57 in by salman abdi
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Xasaasiya Ah:-Dal Cusub Oo La Filaayo Inuu Ka Mid Noqdo Urur Gobaleedka IGAD +Waa Kuma Dalkaas Cusub.

    Xog Xasaasiya Ah:-Dal Cusub Oo La Filaayo Inuu Ka Mid Noqdo Urur Gobaleedka IGAD +Waa Kuma Dalkaas Cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog Xasaasiya Ah:-Dal Cusub Oo La Filaayo Inuu Ka Mid Noqdo Urur Gobaleedka IGAD +Waa Kuma Dalkaas Cusub. Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGADMaxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga mid noqoto Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii ay sanadkii 2007-dii ka baxday xubinimada Ururka.


Warqad uu Maxbuub Macalin u qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku sheegay inuu ku ammaanayo sida geesinimada leh uu u fuliyay heshiiskii Algiers iyo inuu caadi ku soo laabtay xidhiidhkii labada dal Eritrea iyo Itoobiya.


 

 

Mr Maxbuub ayaa sheegay in dib uu soo hagaago xidhiidhka labada dal ee Eritrea iyo Itoobiya ay kaalin weyn ka qaadaneyso xasiloonida iyo dhaqaalaha gobolka.


"Waxaa rajeyneynaa in Eritrea dib ugu soo laabato IGAD oo ay booskeeda rasmiga ah uga qeyb qaadato kaalinteeda horumarinta iyo nabadda Gobolka”ayuu yidhi Maxbuub Macalin.


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maalintii shalay booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Asmara, taasoo aheyd safarkii u horeeyay oo Mas’uul Itoobiyaan ku tago Eritrea muddo labaatan sano ah.


Labada dal ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay, iyadoo la isu furayo ganacsigii iyo duulimaadyada, waxaana diyaaradda Ethiopian Airlines lagu wadaa inay duulimaadyadeeda ka bilowdo Eritrea muddo 20 sano kaddib.