Thailand: Farxadda iyo raynraynta 12 wiil ee la soo badbaadiyay

0
Wednesday July 11, 2018 - 10:12:02 in by salman abdi
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Thailand: Farxadda iyo raynraynta 12 wiil ee la soo badbaadiyay

    Farxad iyo raynrayn ayaa lagu soo dhaweeyay soo badbaadinta 12ka wiil iyo tababarahooda kubbadda oo ku xannibnaa bohosha ay biyuhu ugu galeen ee waqooyiga Thailand,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farxad iyo raynrayn ayaa lagu soo dhaweeyay soo badbaadinta 12ka wiil iyo tababarahooda kubbadda oo ku xannibnaa bohosha ay biyuhu ugu galeen ee waqooyiga Thailand,
ThailandLahaanshaha sawirkaEPA

 ka dib markii dadka biyaha quusa ay soo dhamaystireen hawshii ay dibadda ugu soo saarayeen.

Shantii u dambaysay ayaa la soo saaray Talaadadii ka dib markii ay halkaas ku xayirnaayeen 17 maalmood.

Hawlgalkii aan sahlanayn ee lagu soo samato bixinayay carruurta iyo tababarahooda ayaa indha caalamka soo jiitay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Dabaaldeg ayaa ka billawday dalkaas ku yaala Koonfurta Bari ee Aasiya.

Sacab ayaa is qabsaday agagaarka bohosha Tham Luang oo ku taalla gobolka Chiang Rai, ka dib markii la soo afjaray hawlgalkii samato bixinta oo ay ka qaybqaadanayeen tobannaan dadka biyaha mukhuurta ah iyo boqolaal kale oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Dadka baraha bulshada isticmaala ee reer Thailand ayaa dareenka iyo farxadda ku soo bandhigay #Heroes iyo #Thankyou oo ah #Halyayo iyo #Waad mahadsan tihiin.

Kooxaha kubadda ee caalamiga ah sida Manchester United iyo Benfica ayaa 12ka wiil, tababarahooda iyo shaqaalaha gurmadkaba casuumay.