Muqdisho: Baabuur Carruur ku jiidhay Magaalada Muqdisho iyo Booliiska oo ku raadjooga Darawalkii Baabuurka

0
Wednesday July 11, 2018 - 10:31:35 in by salman abdi
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho: Baabuur Carruur ku jiidhay Magaalada Muqdisho iyo Booliiska oo ku raadjooga Darawalkii Baabuurka

    Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ku raadjooga darawalkii watay gaari yar oo kuwa raaxada ah oo Labo Carruur ah ku dilay subaxnimadii hore ee saakay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ku raadjooga darawalkii watay gaari yar oo kuwa raaxada ah oo Labo Carruur ah ku dilay subaxnimadii hore ee saakay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.


Wararka ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in Gaarigan oo ay la socdeen Afar ruux uu Caruurtan ku jiiray wadada UNICEF ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Dad ku sugnaa agagaarka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in gaariga caruurtan dilay uu ka yimid dhinaca Ceel-Gaabta markii uu marayayna aagga UNICEF uu marqura caruurtan oo taagnaa waddada dhinaceeda ku jiiray.

Carruurtan oo da’dooda lagu kala sheegay 14 iyo 9 jir ayaa waqtigaa ku sii jeeday dugsi Qur’aan.

Saraakiisha Booliiska oo tagay goobta uu shilka ka dhacaya ayaa warbaahinta u sheegay in guud ahaan tirada dadka gaariga la socdy gaarayeen ilaa Afar ruux oo Labo ay Dumar ahaayeen, waxaana goobta ka baxsaday Darwalkii gaariga Waday hasse ahaatee waxaa ay Booliisku qabteen dadkii kale ee la socday.

Baaritaan ay sameeyeen ayeey sheegeen Booliisku in ay ogaadeen in dadka gaariga saarnaa ay isticmaaleen maandooriye, taasoo keentay in uu shilkan dhaco.

Shilkan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen labo kale oo Carruur ah.