Tikidhka diyaaradaha Addis Ababa iyo Asmara oo qiimo sare ku bilaabmaya 20 sano kaddib
Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay shaaca ka qaaday inay dib u billaabayso duulimaad ay ku tageyso dalka Eritrea kaddib 20 sanno oo colaad dhanka xadka ay labada dal ka dhexeeysay. Madaxa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in shacabka Eritrea iyo Itoobiya aanan looga bahnayn inay haystaan fiiso marka ay doonayaan inay u kala safraan labada dal. Bogga tebinta tooska ah ee BBC Afrika ayaa soo ogaaday in tikidhka diyaaradaha lagu raaca Addis Ababa ilaa Asmara uu qiimihiisu uu noqon doono 13,008 lacagta Itoobiya oo u dhiganta $472 oo doolar. Waxaana la filaya in bisha soo socota qiimaha tikidhka diyaaradaha min Addis Ababa ilaa Eritrea uu hoos u dhaca uuna gaara ilaa 401 doolar.
Tikidhka diyaaradaha Addis Ababa iyo Asmara oo qiimo sare ku bilaabmaya 20 sano kaddib
Tikidhka diyaaradaha Addis Ababa iyo Asmara oo qiimo sare ku bilaabmaya 20 sano kaddib