Uganda:-Dib u eegis ayaa ku sameeneyna canshuurida isticmaalka baraha bulshada

0
Thursday July 12, 2018 - 09:29:18 in by salman abdi
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uganda:-Dib u eegis ayaa ku sameeneyna canshuurida isticmaalka baraha bulshada

    Uganda:-Dib u eegis ayaa ku sameeneyna canshuurida isticmaalka baraha bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uganda:-Dib u eegis ayaa ku sameeneyna canshuurida isticmaalka baraha bulshada

Dowladda Uganda ayaa waxaa ay sheegtay inay dib u eegis ku sameeneyso canshuur ay kusoo rogtay adeegsiga baraha bulshada ay ku wada xiriirto iyo lacagaha la isugu diro teleefoonada.

Ra'iisul wasaaraha ayaa ku dhawaaqay arrinkan, waxaana hadalkiisu uu imanaya, kadib markii shacabka dalkaasi ay ka dibadbaxeen canshuurahani lagu soo rogay isticmaalka baraha bulshada sida Facebook-ga, WhatsApp iyo twiter-ka, waxaana magaalada Kampala ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo arrintani.

Ra'iisul wasaare Ruhakana Rugunda ayaa sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameeneyso arrinkaasi.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa waxaa uu horay u sheegay inay haboontahay in canshuur lagu soo rogo baraha bulshada oo uu sheegay in lagu faafiyo hadalada xanta.

Hey'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda dalkaasi in ay meesha ka saarto canshuurahani.