Burco: Daawo Hay'adda CARE oo Qalab iyo Shahaadooyin Guddoonsiisay Arday ka Qalinjebisay Xirfadaha lagu Barto Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco

0
Thursday July 12, 2018 - 16:45:47 in by salman abdi
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco: Daawo Hay'adda CARE oo Qalab iyo Shahaadooyin Guddoonsiisay Arday ka Qalinjebisay Xirfadaha lagu Barto Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco

    Masuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hay'adda Caalamiga ah ee CARE, Maamulka iyo Macaliminta Maxadka Farsamada Gacanta ee Burco iyo Xubno Kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hay'adda Caalamiga ah ee CARE, Maamulka iyo Macaliminta Maxadka Farsamada Gacanta ee Burco iyo Xubno Kale

 ayaa manta ka qaybgalay Munasibad Hay;adda Care ay Shahaadooyin iyo Qalab lagu shaqaysto ku guddoonsiinaysay 90 Arday oo Baratay kana qalinjebisay 5 Xirfadood oo ka mida Xirfadaha lagu dhigtoDugsigada Farsamada Gacanta ee Burco.

Munasibaddan oo ka dhacday Xarunta Dugsigaasi Jarmalka ayay kelmado dhiirigelin Dardaaran iyo Bogaadin u badnaa ka soo jeediyeen Masuliyiinti ka kala socotay Hay’adda Care, Wasaaradda Waxbarashada iyo Maxadkaasi.

Xubno kamida Macalimintii iyo Ardaydii Maxadkaasii ka qalinjebiyey ee Bartay Xirfadaha kala Duwan ayaa iyaguna aad ugu mahadnaqay cid kasta oo gacan ka Geysatay Fulinta Barnaamijkan kor loogu qaadayey xirfada dhalinyarada Togdheer si ay u shaqaystaan.

Gebogadii Ardayda ayaa Maamulka Iyo macaliminta maxadkaasi farsamada gacanta guddoonsiiyey shahaadooyin mahadnaq ah, Waana Dufcaddii 2aad ee Ka qalinjebisa Maxadka Barashada Xirfadaha ee Burco.


Afkashacabka.com
Burco / Office