Shiinaha:-Qarax ka dhacay xarun warshado oo 19 ruux galaaftay

0
Friday July 13, 2018 - 12:13:04 in by salman abdi
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha:-Qarax ka dhacay xarun warshado oo 19 ruux galaaftay

    Shiinaha:-Qarax ka dhacay xarun warshado oo 19 ruux galaaftay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiinaha:-Qarax ka dhacay xarun warshado oo 19 ruux galaaftay

Qarax ka dhacay xarun warshado oo ku taalla gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha ayaa sababay in ay dhintaan 19 ruux ayna ku dhaawacmaan 12 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee Xinhua.

Masuuliyiinta deegaanka Jiang'an ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay warshad kiimiko oo ay gacanta ku hayso Yibin Hengda Technology, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Shiinaha ayaa muujiyay dab wayn iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacay dhismaha warshada.

Ma cadda waxa sababay qaraxa.

Arrintan ayaase timid iyadoo ay dalka Shiinaha horay uga dhaceen masiibooyin ka dhashay shirkado kiimikooyinka sameeya.

Sannadkii 2015kii, 173 ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xarun warshadeed oo ku taalla magaalo xeebeedka Tianjin ee dhacda waqooyiga bari ee Shiinaha.