Caalamka:-Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Xulalka ku Tartamaya Ciyaarta Ugu Dambaysa Koobka Adduunka.

0
Saturday July 14, 2018 - 09:29:56 in by salman abdi
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Xulalka ku Tartamaya Ciyaarta Ugu Dambaysa Koobka Adduunka.

    Caalamka:-Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Xulalka ku Tartamaya Ciyaarta Ugu Dambaysa Koobka Adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Qaramada Midoobay oo Ka Hadashay Xulalka ku Tartamaya Ciyaarta Ugu Dambaysa Koobka Adduunka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antionio Guterres, ayaa ka hadlay waddanka uu taageeri doono ciyaarta finalka Koobka Adduunka ee France iyo Croatia oo qabsoomi doonta Axadda soo socota.


Dadweyne tiro badan ayaaCroatia ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda tagtay finalka Koobka Adduunka oo ay la ciyaari doonaan France oo sannadkii 1998 ku guuleystay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay dalkooda, hase yeeshee waxa ciyaartan oo ka dhici doonta magaalada Moscow daawashadeeda ka qayb-geli doona madax badan oo dunida ka socota, gaar ahaan madaxweynaha Fransiiska, Macron iyo haweenayda madaxweynaha ka ah Croatia, kuwaas oo wakhti horeba sii ag-fadhiisan doona madaxweynaha Ruushka Putin iyo madaxweynaha FIFA.


iyaguna buuxin doona garoonka casriga ah ee sida quruxda badan loo habeeyey ee Luzhniki Stadium xilli ku beegan 5-ta galabnimo ee wakhtiga Geeska Afrika, maadaama oo ay ciyaartu bilaabmi doonto 6-da makhribinimo.

 

Waxa halkaas lagu soo gunaanadi doonaa tartanka Koobka Adduunka soo soo bilaabmay 14 June, kaddibna waxa loo dareeri doonaa afar sannadood oo fasax laga geli doono tartanka dunida ugu qiimaha badan ka hor inta aan waddanka Qatar layskugu tegin sannadka 2022.

Xoghahayaha guud ee qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo u dhashay waddanka Portugal ayaa la weydiiyey waddanka uu taageeri doono ciyaarta finalka Koobka Adduunka, waxaanu ku jawaabay: "Kooxdii aan taageeri lahaa hadda kuma jirto. Waxa laga yaabaa in kooxda guuleysata aan taageero.”