Hargeisa:-Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Maanta Qaadacaya Soo Jeedin Uu Madaxweynuhu U Gudbiyay Wakiilada+Arimaha Laga Hadalyo

0
Saturday July 14, 2018 - 12:49:37 in by salman abdi
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Maanta Qaadacaya Soo Jeedin Uu Madaxweynuhu U Gudbiyay Wakiilada+Arimaha Laga Hadalyo

    Hargeisa:-Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Maanta Qaadacaya Soo Jeedin Uu Madaxweynuhu U Gudbiyay Wakiilada+Arimaha Laga Hadalyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Maanta Qaadacaya Soo Jeedin Uu Madaxweynuhu U Gudbiyay Wakiilada+Arimaha Laga Hadalyo

ildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salel,

ayaa maanta iskugu imanaya shir nuxurkiisu yahay inay ka tashadaan Wareegto ay sheegeen in uu Madaxweynuhu u soo gudbiyey Shirgudoonka Golaha Wakiilada oo ah in Doorashada sideedii hore lagu galo.



Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa Wargeyska Geeska Afrika isagoo u waramay shalay wuxuu yidhi


 

 

"Shirkani wuu jiraa waana dhab, waxaana si faah-faahsan uga hadli doonaa mawqifkayga ku waajahan arinta saami qaybsiga,balanqaadkii Madaxweynaha iyo go’aanka uu hadda gaadhay, Madaxweynuhu wuxuu afkiisa ka balanqaaday wakhtigii ololaha iyo wuxuu Golaha u soo gudbiyey aad bay u kala fog yihiin, wakhtigii la furaayey Jidka Dila, munaasibadii lagu furaayey, waa kii ka hadlay Madaxweynuhu isagoo Musharax ah, waana kii yidhi Waxa la tixgalinayaa, oo aad iyo aad loogu fiirsanayaa saami qaybsiga, Golaha Barlamaanka, waxa aad iyo aad uga qayliyey Gobolka Awdal, waa la dhagaysanayaa, waa la tixgalinayaa, cid wax la cararaysa iyo cid wax diidaysaa ma jirto, waa la iskugu iman oo si walaalnimo ayeynu wax u qaybsan,dhexda ayaa la dhigi Dhariga, gacanta ayaa la wada galin, iyadoo la wada siman yahay Awdal idinka ka talin doona, markaas Madaxweyne waa adigii markaas sidaas lahaa, ee imika maxa ku bedelay, kolay anagu mawqifkayga dhabta ah maanta ayaanu sheegi doona”.


Source:- Geeska