Gudaha:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinimadii shalay shirka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waramay.

0
Tuesday July 17, 2018 - 18:04:18 in by salman abdi
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinimadii shalay shirka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waramay.

    Gudaha:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinimadii shalay shirka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waramay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinimadii shalay shirka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waramay.

Madaxweybaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 16 July iyo 17 July waxaa uu magalada Brussles ee dalka Belgium kaga qayb galay shir looga hadlayo danaha iyo geesi socodka nabada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa shirkan ku wehelinayey qaar kamida golaha xukumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinca kale shirkan oo looga hadlayey danaha iyo geedi socodka nabada Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ah madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kuwa Dowladdaha xubanaha ka ah DFS iyo beesha caalamka oo shirkani soo qaban qaabisay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maalinimadii shalay shirka khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka waramay xaalada adag ee ka jirta

Soomaaliya, hanaanka dumuqraadiyada iyo geedi socodka xasilinta Soomaaliya iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa beesha caalamka ugu waramay horumarka baaxada leh ee ka socda Puntland, markaad eegto dhinaca amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta Dimuqraadiyada oo Puntlnad meel wanaagsan ay marayso.

Ugudanbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Soomaliya u rajeeyey inay cagta saarto dhabada nabada iyo horumarka, isagoo dhinaca kale sheegay in madaxda Soomaaliya looga baahan yahay hogaamin wanaagsan iyo daacadnimo.