Raysal Wasaare Khayre Oo Saxeexay Heshiis Soomaaliya Kaga Mid Noqotay Ururka Comesa
Raysal Wasaare Khayre Oo Saxeexay Heshiis Soomaaliya Kaga Mid Noqotay Ururka Comesa
Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saxeexay heshiis ay soomaaliya kaga mid noqnayso ururka ganacsiga ee Comesa oo ay ku midoobeen wadamada bariga iyo waqooyiga Afrika.
Raysal wasaare Khayre oo ka hadlaya heshiiska uu saxeexay ayaa waxa uu yidhi "Maanta waxaan saxeexay inay dib uga mid noqoto ururka ganacsiga ee Comesa oo ay ku midoobeen wadamada bariga iyo waqooyiga qaarada Afrika, inaan ka mar kale ka mid noqono ururkan ganacsiga ee Comesa waxay muujinaysaa dadeaalada aan dib ugu dhisayno qarankeena soomaaliya.”
Raysal wasaaraha soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay soomaaliya qaaday waddadii runta ahayd, waxaanu markale yidhi "Talaabadani waxay calaamad run ah u tahay inay naga go’an tahay inaan qaadano booska saxda ee aanu ka gali karno koritaanka wadamada gobolka iyo cimiladeenaba.”
Sidoo kale wadanka Tunisia ayaa isaguna ka mid noqday wadamada ku midoobay ururka Comesa, iyada oo haatan tirada wadamada ururkaas ku midoobay ay noqonayaan 21 wadan.
Raysal Wasaare Khayre Oo Saxeexay Heshiis Soomaaliya Kaga Mid Noqotay Ururka Comesa
Raysal Wasaare Khayre Oo Saxeexay Heshiis Soomaaliya Kaga Mid Noqotay Ururka Comesa