Washington:-Mareykanka oo malaayin doolar siinaya Ukraine Iyo Sababta Ka Danbaysa.

0
Saturday July 21, 2018 - 09:32:48 in by salman abdi
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Mareykanka oo malaayin doolar siinaya Ukraine Iyo Sababta Ka Danbaysa.

    Washington:-Mareykanka oo malaayin doolar siinaya Ukraine Iyo Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Mareykanka oo malaayin doolar siinaya Ukraine Iyo Sababta Ka Danbaysa.

Mareykanka wuxuu shaaca ka qaaday in xukuumadda Ukraine uu siinayo 200 miliyan oo doolar sii uu xoojiyo awooddiisa difaaca ee gobolka.

Bayaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in lacagahani lagu maalgelin doono tabbabarka ciidamada, xiriirka isgaarsiinta, adeegyada caafimaadka iyo xoojinta hubka aan saamaynta badan lahayn ee dalka Ukraine.

Mareykanka wuxuu sidoo kale sheegay in ka badan 1 bilyan oo doolar uu ku taageeray xukuumadda Kiev tan iyo sannadkii 2014-kii.

Ruushka ayaa xilliggaasi la wareegay gobolka Crimea, waxaana lagu eedeeyay inuu hubaynayo kooxaha raadinaya gooni u goosadka bariga dalka Ukraine.

Xukuumadda Moscow waxay beenisay wararka sheegaya in ciidammada ay hub siisoo kooxaha ku sugan bariga Ukraine balse wuxuu Ruushka qiray in kooxo isa soo xilqaamay ay caawinayaan fallaagada.


In ka badan 10,000 qof ayaa lagu dilay colaaddii ka socotay deegannada bariga ku yaalla ee Donetsk iyo Luhansk.

Hadalka Mareykanka ayaa imaanaya xilli dhawaan uu kulan dhexmaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxyaabihii ay ka wada hadleen ay kamid ahayd qalalaasaha Ukraine.