Xog-Xasaasiya Ah:-Maxay Ka Dhigan Tahay Qiimayn Wakhtigan Lagu Sameeyo Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.
koox aan si fiican loo ogayn ujeedooyinka ay u aas aasan yihiin oo la magac baxay Qarankaab ayaa qiimayn ku sameeyey wasiirada xukuumada madaxweyne Madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo sheegay in lagu qiimaynayey waxqabadka uu masuul kastaa ka hir geliyey hay’adda dawladood ee loo magacaabay.
Kooxdan Qarankaab oo aanay bulshada somaliland aqoon fiican u lahayn xubnaha ku jiraa isla markaana aan ahayn kuwo toos loo garanayo ayaa qiimayn ka sameeyey Internet-ka iyaga oo bulshada u soo bandhigay inay codkooda ku dhiibtaan mareeg ay soo galiyeen magacyada iyo sawirada wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.
Kooxda Qarankaab ayaa sheegaya in bulshadu u codaysay wasiirka maaliyadu
inuu yahay masuulka ugu wax qabadka badan mudadii xukuumada madaxweyne Muuse Biixi jirtay, taas oo la yaab ku noqotay shacabka maadaama oo ay wali taagan yihiin dhibaatooyinkii dhinaca dhaqaalaha ee mudooyinkii ugu dambeeyey dalka ka taagnaa.
Waxa ay su,aali ka taagan tahay sababta ay shacabku ugu codayn karaan Wasiir aan waxba ka qaban sicir bararka dalka ka taagan, hoos u dhaca qiimaha lacagta somaliland, qiimaha maceeshada ee kor u sii socda, nidaamka maaliyadeed ee dalka oo musuqu hadheeyey iyo dhibaatooyinka kale ee la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha.
Balse waxa hubaal ah in kooxda wax qiimaynaysay ay u janjeedhsameen masuulka ay dhaqaale ka heli karaan, wallow ay jiraan warar soo baxay oo sheegaya in wasiirka Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi uu gacan saar la lahaa kooxda qarankaab si uu qiimaynta meel sare uga galo.
Wali waxa dalka ka taagan dhibaatooyin si toos ah u taabtay nolosha bulshada kuwaas oo looga baahnaa inay xukuumadu wax ka qabato balse aan hir gelin, iyada oo ay ugu mudan yihiin nabad galyadii Ceel Afweyn oo aan wali la sugin, sicir bararka, qiimaha maceeshada, xeerarkii muhiimka ah ee doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka oo aanay ilaa hada culays iska saarin, xadhiga muwaadiiniinta oo batay isla markaana waxyaabo badan oo macno daro lagu xidho, xadhiga warbaahinta madaxa banaan iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Marka laysku soo duubo wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa qiimayn wakhtigan lagu sameeyaa ay dibada soo dhigaysa fadhiidnimadooda, iyada oo aanay jirin masuul hir geliyey wax qabad muuqda oo la taaban karo, marka laga tago inay sameeyaan qorshayaal iyo balanqaadyo aan la ogaan Karin wakhtiga ay fulayaan, iyada oo qorshaha kooxda Qarankaab lagu tilmaami karo wakhtigan mid fashilan oo aan xiligiisii ku soo hagaagin.
Cabdirisaaq Good Nuur
Xog-Xasaasiya Ah:-Maxay Ka Dhigan Tahay Qiimayn Wakhtigan Lagu Sameeyo Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.
Xog-Xasaasiya Ah:-Maxay Ka Dhigan Tahay Qiimayn Wakhtigan Lagu Sameeyo Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.