Washington:-Kaaliyihi hore ee Trump oo diiday inuu Ruushka u basaasay+Arimaha Sababay.

0
Monday July 23, 2018 - 09:09:37 in by salman abdi
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Kaaliyihi hore ee Trump oo diiday inuu Ruushka u basaasay+Arimaha Sababay.

    Washington:-Kaaliyihi hore ee Trump oo diiday inuu Ruushka u basaasay+Arimaha Sababay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Kaaliyihi hore ee Trump oo diiday inuu Ruushka u basaasay+Arimaha Sababay.

Mid ka mid ah kaaliyihi hore ee siyasadda arrimaha dibadda ee Donald Trump ayaa sheegay eedda loo soo jeediyey ee ku saabsan inuu dowladda Ruushka inuu 2016-ka uu la shaqeeyey ay tahay "marin habaabin"

FBI waxay aaminsantahay in Carter Page uu wakhtigaa "iskaashi iyo la talinba" uu la lahaa dowladda Ruushka.

Xiriirka lagu soo eedeyey Mr Carter ee ah inuu saraakiisha sirdoonka Ruushka uu xiriir dhow la lahaa ayaa lagu muujiyey dacwadda maxkamadda iyada loo ilaaliya si aad u sarreysa.

Mr Trump ayaa sheegay in ay u muuqato in ololihiisa doorashada si sharci darra ah loogu soo qabtay.

Hase yeeshee, ma bixinin wax caddeyn ah oo xoojinaya eeddaasi loo soo jeediyey Carter.

Codsiga cusub ee maxkamadda ee la sii daayey waxaa cusbooneysiiyey garsoorayaal kala duwan oo fadhiya maxkamad awood loo siiyey iney eegto cosiyada sirdoonka dibadda (Fisa0.

Maxkamadda ayaa waxaa awood loo siiyey iney arrintooda baarto arrimaha la xidhiidha sirdoonka dibadda ee hay'adaha ama shaqsiyaadska ay geystaan, maxkamadda oo ah mid si weyn looga aqoonsan yahay dalka Mareykanka.

Waa maxay waxa la baahiyey

FBI ayaa sii daaysay dukumiinti hore oo qarsoodi ah habeenkii sabtida kaddib markii ay soo codsiyo ku saabsan xorriyadda xogta oo ay soo diyaariyeen dhawr hay'adood oo Maraykan ah.

Dukumantiga oo ka kooban 421 bog oo ka kooban sir iyo xog aad u culus aadna loo ilaalinayey oo marki dambe dib loo cusbooneysiiyey iyo waraaqo muujinayo baaritaannada lagu sameeyey Mr Carter.

  • Sida ku cad codsiga bisha October ee 2016-ka, "FBI waxay aaminsan tahay Carter inuu iskaashi iyo macaamilba uu la lahaa Ruushka".

Waxaa kale oo uu dukumantigu sheegayaa inuu Mr Page, "uu xiriir toos ah uu la sameeyey saraakiisha dowladda Ruushka, oo ay ka mid yihiin Saraakiisha sirdoonka dalkaasi."

Madaxweynaha Mareykanka Donald TrumpLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Mr Page oo CNN u warramay ayaa warka sheegaya inuu dowladda ruushka uu xidhiidh la talin la lahaa ku tilmaamay "arrin ay waxba ka jirin".

"Anigu weligeey cid shisheeya ah wakiil uma noqon wararka la isla dhex marayana waa khiyaali aan waxba ka jirin ayuu yiri.

"Waxaad ka hadli kartaa marin hababin maxkamadeed, taa lafteeda ayaaba marin habaabin ah. taa micnaheeduna waa wax runti lagu qoslo.

Ma la weydiiyey faallooyinkiisi hore iney tilmaan u yihiin inuu la taliye aan rasmi ahayn uu kirimlin u ahaa? Mr page oo ka jawaabaya ayaa waxuu yiri "anigu waajibaadkeyga ayaa waxay ahayd inaan dadka xiriir aan toos ahayn la sameeyo taasina ma aha mid caddeeyn u noqon karta ama sii xoojineyso dokumantiga marin habaabinta ah ee la iga soo saaray..

Waa kuma Carter Page?

Mr Page wuxuu ahaan jiray la taliye dhinaca tamarta warshadaha oo xiriirka adagna la lahaa Ruushka. Marki ugu horreysay waxaa shaqada loo qoray ololihi doorashada Trump ee 2015-ka, wuxuuna noqday maareeyaha ololaha doorashada Trump january 2016-ka.

Bisha March 2016-ki Mr Trump ayaa wuxuu ku dhawaaqay inuu Mr Page uu u yahay la taliyihiisa ololahiisa ku aaddan siyaasadda arrimaha dibadda.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii eedaymo lagu soo daabacay wargeyska Steele oo lagu soo eedeeyey inuu Mr Page uu xiriir la lahaa masuuliyiinta Ruushka xilligi ololaha doorashada madaxweynenimo ee ay u shaqeynayeen si ay uga hor tagaan dadaalka madaxweyne ee Trump, Mr Page wuxuu iska casilay doorkii la taliyenimo uu ololaha Trump ku lahaa.

Mr Carter Page billow ilaa dhammaad wuxuu si cad u beeniyey dhammaan eedeymaha isaga liddiga ku ah ee loo soo jeediyey.