War Deg Deg Ah Labo Qof Oo Kalluumaysato Ah Oo Ku DHintay Xeebta Maamulka Putland Iyo Goobta Ay Ku Dhinteen.

0
Monday July 23, 2018 - 09:09:37 in by salman abdi
  • Visits: 492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Labo Qof Oo Kalluumaysato Ah Oo Ku DHintay Xeebta Maamulka Putland Iyo Goobta Ay Ku Dhinteen.

    Hargeis:-Xarunta Jaamacadda Hargeysa oo uu ka furmayo shirweynaha daraasaadka Soomaalida Iyo Wadamada Ka Soo Qayb Galay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeis:-Xarunta Jaamacadda Hargeysa oo uu ka furmayo shirweynaha daraasaadka Soomaalida Iyo Wadamada Ka Soo Qayb Galay.

Ilaa Lix ruux oo Kalluumeysato Soomaliyeed ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen xeebaha Puntland kaddib markii ay degtay Dooni ay wateen sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Guure Cali Cumar oo ah guddoomiyaha deegaanka Gumbux ee gobolka Gardafuu oo ah halka ay dhimashadani ka dhacday ayaa sheegay in hal qof oo ka mid ahaa Lixdaa ruux ee geeriyootay meydkiisa la helay kaddib markii ay baddu soo caariday.

Waxaa uu sheegay in wali la la’yahay meydka ilaa shan ruux oo kale iyo Doonidii ay saarnaayeen, kuwaa oo wali ku baqan badda gunteeda hoose.

Mar wax laga weydiiyay sida lagu ogaaday Lixdan ruux ay badda ku dhinten ayuu yiri’’ Dabcan waxaa lagu ogaaday in ay badda ku dhinteen kaddib markii la waayay waqtiggii ay ka soo laaban jireen shaqada, taasoo keentay in uu soo baxo tuhunkan ah in ay badda ku dhinteen.

Kalluumeysato aad u fara badan ayaa ku howlan ka kalluumeysiga xeebaha Soomaaliya inkastoo xilligan oo kale oo lagu guda jiro waqtiga Bad xiranka, taas oo Qatar ku keeneysa Doonyaha yar yar ee ka kalluumeysta Badda.