Washington:-Mareykanka oo sheegay in aysan aqbali doonin qabsashadii Ruushka ee Crimea

0
Thursday July 26, 2018 - 08:13:21 in by salman abdi
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Mareykanka oo sheegay in aysan aqbali doonin qabsashadii Ruushka ee Crimea

    Washington:-Mareykanka oo sheegay in aysan aqbali doonin qabsashadii Ruushka ee Crimea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Mareykanka oo sheegay in aysan aqbali doonin qabsashadii Ruushka ee Crimea

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, ayaa xaqiijiyay in xukuumadda Washington ay diidan tahay oo aysan aqbalayn qabsashadii ay Ruushka qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine.

Mr Pompeo aya soo saaray bayaan ku saabsan gobolka Crimea ka hor dhagaysiga guddiga ka socda golaha sanet-ka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin la wareegidda Ruushka ay gobolka Crimea kala wareegeen dalka Ukraine.

Arrintani ayaa la shaaciyay iyada oo xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo, uu isu diyaariyay in uu marqaati ka hor bixiyo guddiga sanet-ka u qaabilsan xiriirka arrimaha dibadda.

Bayaankiisa ayuu Mr Pompeo ku sheegay in siyaasada Mareykanka ee gobolka Crimea ay cadahay:

Balse wasaarada arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyadu ka hor yimid bayaankiisa .

Dhanka kale waxaa uu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka sheegay in siyaasada Mareykanka ee ku adan Ruushka aysan waxba iska badalin .

Waxa uu carabka ku adkeeyay in uu Ruushka si cad ugu sheegay in ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan haddii ay mar kale soo faragaliyaan doorashooyiinka Mareykanka.

Balse xubnaha aqalka sanet-ka ayaa ka carooday in mr Pompeo uusan wax faahfaahin ah ka siin kulankii gaarka ahaa ee uu Mr Trump' la yeeshay Mr Putin, waxa ayna sheegeen in ay ka walaacsan yihiin go'aanada arrimaha dibadda ee madaxwaynaha.

Dhanka Kuuriyada Waqooyi Mr Pompeo waxa uu sheegay in hormar laga gaaray balse wax faahfaahin ah kama uusan bixin.