Hargeisa:-Khilaaf Adag Oo Ka Dhex Taagan Masuuliyiinta Ugu Saraysa Wasaarada Caafimaadka Iyo Wasiirka Oo Qarka U Saaran Is Casilaad

0
Thursday July 26, 2018 - 09:02:07 in by salman abdi
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Khilaaf Adag Oo Ka Dhex Taagan Masuuliyiinta Ugu Saraysa Wasaarada Caafimaadka Iyo Wasiirka Oo Qarka U Saaran Is Casilaad

    Hargeisa:-Khilaaf Adag Oo Ka Dhex Taagan Masuuliyiinta Ugu Saraysa Wasaarada Caafimaadka Iyo Wasiirka Oo Qarka U Saaran Is Casilaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Khilaaf Adag Oo Ka Dhex Taagan Masuuliyiinta Ugu Saraysa Wasaarada Caafimaadka Iyo Wasiirka Oo Qarka U Saaran Is Casilaad

Khilaaf adag ayaa soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada horu marinta caafimaadka somaliland.

Warar ay helayso shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in khilaafka masuuliyiinta wasaarada caafimaadku uu salka ku hayo agaasime waaxeedyo uu wasiirku xilka ka qaaday kuwaas oo gabi ahaanba diiday inay fuliyaan digreetada wasiir Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf.


Wasiir Dr Xasan Ismaaciil Yuusuf Ayaa dhawaan xil ka qaadis ku sameeyey masuuliyiin ka hawl gala cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xisaabiyihii cusbitaalka iyo xubno kale, balse agaasimaha cusbitaalka Dr. Axmed Xaaji Cumar askar ayaa warqad jawaab ah oo uu u soo qoray wasiirka isla markaana uu og siiyey madaxweyne



Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa ku sheegay inaanu wasiirka xilka ka qaadi Karin masuuliyiinta ka hawl gasha cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanu si cad u hor istaagay inuu fulo amarka wasiirku.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada horu marinta caafimaadka Pro:C/Naasir Cumar Jaamac iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa dhinacooda la saftay xubnaha diiday inay u hogaansamaan xil ka qaadista wasiirku ku sameeyey, iyada oo ay hada muuqato in khilaafku meel adag marayo.

Sidoo kale wararka ay helayso shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in wasiirka horu marinta caafimaadku maagan yahay is casilaad uu kaga tago xilkaasi ka dib markii wasiir ku xigeenkiisa, agaasimihiisa guud iyo agaasime waaxeedyadii uu xilka ka qaaday ay u hogaansami waayeen amarkiisa isla markaana ay u cadaatay inay awood dheeraad ah ka haystaan dhinaca madaxtooyada.

Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegayaa inuu ka jiro musuq maasuq xoogan oo loo gaysto dhaqaalaha ka soo baxa, taas oo keentay inay ka samaysaan xubno isku xidhan oo dedaal kasta u gala inaan marna laga badalin boosaska ay hantida umada ku boobaan ee hayaan.

Khilaafka wasaarada caafimaadka ayaa noqonaya hal xidhaale horyaala madaxweyne Muuse Biixi, maadaama uu salka ku hayo arimo musuq maasuq oo layskugu bahaystay dhaqaalaha cusbitaalka guud iyo qaybaha kale ee wasaarada caafimaadka, waxaana la dhawri doonaa talaabada uu madaxweynuhu ka qaado taas oo noqon doonta mid gar siisa xubnaha isbahaystay ama mid taageerta talaabada wasiirkiisu ku badalay xubnahan musuq maasuqa isku gaashaan buuraysanaya.

 

 

Cabdirisaaq Good Nuur