Jigjiga:-Maxay yihiin shimbiraha hargalka u diiday dadka reer Jig Jiga.

0
Friday July 27, 2018 - 11:05:53 in by salman abdi
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jigjiga:-Maxay yihiin shimbiraha hargalka u diiday dadka reer Jig Jiga.

    Jigjiga:-Maxay yihiin shimbiraha hargalka u diiday dadka reer Jig Jiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jigjiga:-Maxay yihiin shimbiraha hargalka u diiday dadka reer Jig Jiga.

Waxay kula noqonaysaa in dhibaatada ugu dambeysa ee dadka reer Jigjiga ay nolosha ka sheegan karaan ay yihiin shimbirro, balse taasi xaalka waa ka duwanyahay, dadka qaarkoodna waxayba joogaan qaati.

Sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Jig Jiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam, waxaa magaalada Jig Jiga soo buux dhaafiyay shimbir-guurto tiro badan, taas oo dadka u diiday harsi iyo hargalba.

Haweenay ka mid ah dadka degen magaalada ayaa ka sheekeynaysa dhibaatada ay ku qabto shimbirtan, waxayna tiri "Shimbirtan geed daaradda ku ag yaala ayay soo fuushaa, xaarkeeda guriga ayuu naga wasaqeeyaa, markaan wadada marayno anaga oo labisan ama aan suuqa aadayno waa ay nagu xaartaa, marka uu roobku da'o waa ay urtaa, geedaha ay soo uruursato ee ay buulka ka dhisanayso jiingadda ayay dabaysa kusoo daadisaa".

Ma ahan xaafadaha oo kaliya, ee xitaa waxa ay shimbirta gabogabeysay suuqyada, gaar ahaan suuqyada dadka dan yarta ay wax ku gataan, laguna iibiyo waxyaabaha sida xasiidka, looska iyo haruurka kale.

Dadka halkaas wax ku iibsada waxaa ka mid ah Qaali Abiib oo BBC-da u warantay "Shimbiraha xarakooda xanuuno ayaa laga qaadaa , dhibaato badan ayaan ku qabnaa , anaga ayay na wada wasaqaysay, siqaayadihii ayaa wada xaar ah, maskaxdii ayay na wareerisay, dadkii wax naga iibsanayayna waa ay ka cararayaan waxaan qadhmuunkeedii, masaakiin baan nahay suuqan ka ganacsanaysa meel aan shimbirahan ka aadnana waan garan la'nahay".

Dadka ayaa waxa ay dowladda ka codsadeen in wax uun ay ka qabato shimbirahan, balse dowladda lafteeda ayaa dhib ku qabta shimbiraha sida uu ka waramay Faysal Cabdi "Waxyaabaha dhibka ah ee aan ku qabno waxaa koow ka ah, qeylada faraha badan, marka aan soo galayno xafiiska, dharkii aan kusoo labisanay waa ay nagaga xaartaa, waxaaba tusaale ka ah saakadan oo ugu dambeysay waakan indhahaada ayaad ku aragtaa, dharkii aan soo labistay saas ayay ka wada dhigtay, dee in aan maalin kasta inta aan halkan ka noqdo aan dhar soo badalo , maalin kastana aan ka walbahaaro toloow saakay ma shimbirtii ayaa kugu xaari".

Shimbirahan ayaanan la ogeyn in ay dhexsin ku yimaadeen oo uu xilliga keenay oo ay meelo kale u guuri doonaan iyo in ay si kama dambeys ah usoo degeen Jig Jiga.